Xidigtii Instagram Oo Uu Xabsi Corona Ku Dhex-haleelay

Ms Khishvand ayaa xabsiga loo taxaabay dhammaadkii sannnadkii tagay ee 2019-ka kaddib markii lagu soo eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin aflagaaddo iyo khalalaase.
Hase yeeshee madaxa xabsiga ay ku xiran tahay waxa uu gaashaanka u daruuray inuu Fatemeh ku dhacay fayraska Corona.
''Warka uu sheegay qareenka Fatemeh Khishvand ma ahan mid xaqiiq ah.'' Waxaa sidaasi wakaaladda wararka ISNA u sheegay madaxa xabsiga Shahr-e Rey ee ay ku jirto Fatemeh.
Iran ayaa waxaa ku dhimatay tiradii ugu badnayd ee Bariga dhexe marka laga hadlayo fayraska Corona iyadoo tirakoobkii ugu dambeeyay ee Sabtida lagu sheegay in ka badan 5,000 oo qof ay dalkaasi ku geeriyoodeen, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in tirada saxda ay intaasi aad uga badan tahay.
Qareenkeeda Payam Derafshan ayaa warqad furan u qoray Wasaaradda Cadaaladda, taasi oo uu soo dhigay bartiisa Instagram.
Waxa uu sheegay in Fatemeh hooyadeed ay u sheegtay in gabadheeda loo gudbiyay qeybta karantiilka ee xabsiga kaddib markii lagu arkay calaamadaha fayraska.
Bishii
Maarso Iran ayaa xabsiga ka sii deysay 85,000 maxaabiis, tallaabadaasi oo looga
gol-lahaa in lagu yareeyo faafidda coronavirus
Fatemeh waxay ka mid ahayd dadka Iraamiyiinta ah ee onlinka saameeynta ku leh. Iran ayaa inta badan cadaadis saarta dhalin-yarada isticmaasha baraha bulshada oo sannadkii 2018-kii waxaa la xiray gabadh da'yar oo muuqaal iyadoo muusig cayaareysa soo dhigtay baraha bulashada.
BBC