Sucuudiga Oo Dilay Nin Hooballo Ajaanib Ah Toorri La Dhacay
Weerarkaa
kooxda lagu qaaday wuxu ka dhacay magaalo madaxda Riyadh bishii Noofember oo ay
bandhig lagu qabtay.
Warbaahinta
dawladda ayaa sheegtay inuu Al-Qaacida xidhiidh la lahaa ninkaa weerarka qaaday
oo magaciisa la yidhaa Cimaad Al-Mansuur oo ah 33 jir Yemeni ah.
Dhacdadani waxay dhacday iyada oo Sucuudigu fudaydiyey xayiraaddii mudada dheer saarayd madadaalada ee ay soo rogeen wadaadada diinta ee muxaafidiinta ahi.
Weerarku
wuxuu dhacay 11 Noofember markaas oo ninku isku qaaday masrax ku yaal fagaraha
Boqor Cabdallah oo uu halkaa ku tooriyeeyey xubnahaa ka tirsanaa kooxda.
Maxkamad
gaara oo qaada dacwadaha aragixisada ah ayaa Al-Mansuuri ku heshay inuu galay
dembi badan oo lagu oogay oo uu ka mid yahay inuu falkaa ku geystay isaga oo
fulinaya amar uu siiyey hogaamiyaha Al-Qaacida ee Yemen.
Warbixin
ay soo saartay wasaaradda arimaha guduhu ayaa lagu sheegay in Khamiistii lagu
dilay magaalada Riyadh.
Al-Qaacida may sheegin in ay iyadu weerarkaa fulisay
Nin
labaad oo kale ayey maxkamadda gaarka ah ee dembiyadu ku xukuntay 12 sano iyo
badh xabsi ah.
Maamulka
Sucuudigu waxay ku doodeen in Al-Mansuuri muuqaal iska duubay uu ugu hanjabayo
wakaaladda madadaalada ee dhawaan dalkaa laga hirgeliyey, muuqaalkaasina uu ku
faafay baraha bulshada.
Dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa waagii loo magacaabay 2017 kii ballan qaaday barnaamij casriyey iyo isbedel ah oo uu u bixiyey Aragtida 2030.
Xayiraad
saarrayd mudo todbanaan sano ah simimooyada, bandhigyada fanka iyo in labka iyo
dheddigu is dhex geli karaan ayaa la laalay, haatanna waxa haweenka loo
ogolaaday in ay u daawasho tagi karaan garoonnada kubadda cagta.
Balaayiin
doolar ayaa loo qoondeeyey horumarinta madadaalada hooballada caalamiga ah ee
badhigyada ku qabtay dalkaana waxa ka mid ah K-Pop, Cirque du Soleil iyo Mariah
Carey.
Laakiin
furfurnaantaas waxa dhaawacay markii haween badan oo xuquuqda dumarka u dooda
la xidhxidhay iyo dilkii saxafigii Jamaal Khaashoqji 2018 ee lagu khaarajiyey
qusuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee Turkiga.
Sannadkii hore ayaa badhig ay ku qaban lahayd dalkaa fanaanadda Nikki Minaj ay baajiyey waxaanay ku sababaysay in ay arintaa ku taageerayso haweenka iyo dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya.
Bishii
Feeberweri ayaa gabadh heesaa ah oo Sucuudiyad ah la xidhay ka dib markii ay
soo saartay muuqaal hees ah oo ay u bixisay Gabadhii reer Makka.
Maamulka Sucuudigu waxay sheegeen in weerarkaa dhacay bishii Noofember ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii qorshaha furfurnaanta ah la bilaabay.
BBC