Dhimashada Iyo Kiisaska Coronavirus Ee Somaliya Oo Korodhay
Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Cudurka COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan:
1. Tirada guud ee lagu baaray shaybaarka dhexe afar iyo labaatankii (24) saac ee ugu dambaysay ayaa ah 25 qof. Sagaal iyo toban (19) kamid ah tiradaas ayaa laxaqiijiyay in ay qabaan cudurka COVID-19, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira cudurka COVID-19 135 xaaladood.
2.
Dhamman dadka la xaqiijiyay maanta in ay qabaan cudurka ayaa ah muwaadiniin
Somaliyeed.
3. Laba (2) bukaan ayaa u geeriyootay cudurka maanta, taas oo ka dhigayso tirada guud bukaanada u geeriyooday Todobo (7) qofood. Labada qof ee u geeriyootay waa lab, mid kamid ah wuxuu jiray 67 sano waxaana laga helay cudurka 13kii Abriil. Qofka 2aad na waxa uu ahaa 50 jir laga helay xanuunka 15kii Abriil.
4. Waxaa Isbitaalka De Martino kusugan Shan iyo toban (15) bukaan oo isugu jira kuwa la xaqiijiyay oo ah kow iyo toban (11) iyo Afar (4) xaaladood oo lagu haayo karantiilka sugaayana jawaabta baritaanada.
5. Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.
6. Haddii aad isku aragto calaamadaha cudurka COVID-19, isku karantiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.
**Dhammaad**