IGAD Oo Samaysanaya Ciidan Badeed Aan Laga Tallo Gelin Somaliland

0
Sunday April 07, 2019 - 12:25:00 in News by
  • Visits: 3127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IGAD Oo Samaysanaya Ciidan Badeed Aan Laga Tallo Gelin Somaliland

    IGAD Oo Samaysanaya Ciidan Badeed Aan Laga Tallo Gelin Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

IGAD Oo Samaysanaya Ciidan Badeed Aan Laga Tallo Gelin Somaliland

 

 


Hargeysa(HWN):-Waddamada ku bahoobay urur gobolleedka IGAD ayaa shaaciyay qorshe ciidan badeed oo wada jir ah loogu samaynayo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Dawladda Somaliland oo inta badan leh biyaha ciidamadu ilaalinayaan ayaan waxba kala socon qorshan waxaana si weyn uga digay Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Daminta Xiisadda Tukaraq Oo Itoobiya Loo Xilsaaray


Xoghayaha fulinta urur gobollaadka IGAD Mr Maxbuub Macallin ayaa sheegay in dhibaatooyin dhanka ammaanka Badda ahi ragaadinayaan kobaca dhaqaalaha iyo nabadda gobolka "Waxa jirta baahi loo dhan yahay oo ah in laga takhaluso caqabadaha ammaan ee ay jawahayso Badda Cas/ Gacanka Cadmeed halkaas oo ah marin badeed muhiim ah. Waxaanu xoogga saarayna la dagaallanka Argagixisada, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo la dagaallanka wasakhda lagu daadiyo badda,” ayuu yidhi Mr Maxabuub Macallin.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa arrintan in Somaliland ka maqnaato ku tilmaamay siyaasad xumo dhanka arrimaha dibadda ah "IGAD bishan afarteedii waxay soo saartay Go’aan ciidamada badda la yidhi waxa loo samaynayaa Baddacas iyo gacanka cadmeed, shirkaa waxa ka qayb-galay Soomaaliya wasiirka arrimaha debada Somaaliya ayaa ka qayb-galay dhulkeenii ayuu inagu dul baayacayaa ma iyaga ayaa Baddacas iyo gacanka cadmeed ma soomaliya ayaa ku jirta waa innaga dadka gacanka cadmeed iyo Baddacasa degani waa innaga , waxay ku tusaysaa in aynu arrimihii dibadda ee Adduunka aynu dibadda ka joogno oo ay cidla ka heleen maamulkaa aan jirin ee Farmaajo ee hadda gabalkiisu sii dhacayaa ,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

 

 

Loading...
Loading...