Ma Xalbaa Mise Waa Xumayn?
Anigoo magacaygu yahay Amb. Mohamed Ismail Hussein (Balishire). Wakiilkii horee dawlada Somalilandee dalka Australia. Waxaan jeclahay in aan maanta waxoogaa ka yara taataabto xaaladan cakiran ama dagaalkan cusub ee ka dhex qarxay Dawlada Maraykanka iyo Haayadan caafimaadka aduunka ee loo yaqaano "WORLD HEALTH ORGANISATION” (W.H.O.) Hadaba Sidaynu ka wada war qabno waxa aduunkii fara baas ku haya, cudurkan halista ah ee la holin kari waayey ee loo yaqaano, COVID-19.Ama (THE GREAT EQUALIZER) Hadaba sida aduunku u shaqeeyo waxa Cudur kasta oo aduunkeena yimaada u xilsaaran ama aduunku u aqoonsadeen una maalgaliyeen in ay si caalami ah ula dagaalanto, ugana hawl gasho dhamaan shanta qaaradood ee aduunka iyo wixii kale soo raaca intaba. Waa haayada caalamiga ah ee loo yaqaano. (WORLD HEALTH ORGANIZATION) ee loo soo gaabiyo (W.H.O).
Waxa hadaba jirta in dawlada Maraykanku ay
noqotay dawlada keliya ee maanta si cad weerar qaawan oo cir iyo dhulba leh ugu
qaaday haayadan caalamiga ah ee (W.H.O) ee ka tirsan isla
markaasna hoos timaada Jimciyada Quruumaha Ka dhaxaysa ee loo yaqaano (UNITED
NATIONS) Waxay hadaba (W.H.O) ay la walaalo tahay oo ay
ka mid tahay haayadaha kale ee caalamiga ah ee tirada badan ee hoos yimaada
Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa sida, UNDP, WFP, FAO, UNICEF, SAVE THE
CHILDREN, OXFAM, RED CROSS, iyo qaar kaloo badan.
Hadaba dagaalkan ka dhex qarxay Dawlada maraykanka iyo Haayadan caafimaadka aduunka ee (W.H.O) ayaa beryahanba dabkiisa la arkaayey, markii Madaxweynaha dalka Maraykanku uu si cad weerar qaawan ugu qaaday in haayadaasi ay haba yaraate ka gaabisay hawlihii loo igmaday, isla markaasna waxba ka qaban kari wayday xanuunkan aduunkii oo idil ku faafay ee COVID-19. Waxa intaas sii dheer in Madaxweynaha maraykanku Mr. Donald J. Trump, uu si cad ugu eedeeyey in haayadan (W.H.O)ay hoosta kala shaqayso oo ay hoosta iska shukaansadeen dawlada Shiinaha (CHINA).Waxaanu Madaxweyne Trump uu yidhi, isagoo hadalkiisa sii wata waxay haayadani noqotay haayad dhan ka raran. !!!??? Waxaanu yidhi sida tan…
"W.H.O
HAVE BECAME MORE CHINA–CENTRIC AND WE CAN NOT POSSIBLY TOLERATE THIS TOTALLY
UNPRESEDENTED DIVERSION FROM GLOBAL RESPONSIBILITIES.”
Hadaba siday doontaba ha ahaate dawlada Maraykanka ayaa ah dawlada dhaqaalaha ugu badan siisa haayada caafimaadka aduunka ee loo yaqaano (W.H.O) Dhaqaalahaas oo dhan US$57.9 Million Dollars, sanad walba. Halka dawladaha kale sida Shiinaha, Japan, Talyaniga, Ingiriiska, Faransiiska, Spain iyo Baraaziil ay ka midka yihiin dawladaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha culus ku caawiya haayadan. Walow ay jiraan wadamo kaloo badan oo iyaguna gacan weyn ka geysta dhaqaalaha ku baxa haayadan caafimaadka aduunka sanad walba.
Hadana dhaqaalaha ugu culus ee la taaban karo
waxa haayadan ku deeqa waa sideeda dal ee aynu kor kusoo xusnay. Dhaqaalaha ay
sideedan dawladood oo keliya ay bixiyaan sanad walba, ayaa waxay kor u
dhaafaysaa ilaa laba boqol oo milyan oo doolar sanad walba. Hadaba dawlada
Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto dhamaanba dhaqaalaha ay siiso
haayadan caafimaadka aduunka, dhaqaalahaas oo ah dhaqaalaha ugu badan ee
haayadani ay ka hesho mid ka mid ah wadamada qaniga ah ee ilaahay wax siiyey.
Waxa hadaba arintan uu ku dhawaaqay madaxweynaha
dalka maraykanku mudo hada laga joogo laba wiig, qiyaastii. Waxa isla markiiba
ka soo jawaab celiyey, madaxa guud ee haayadan caafimaadka aduunka oo ah nin
xabashi ah, horena xilal kala duwan ka soo qabtay dawlada dalka Ethiopia,sida wasiirka caafimaadka iyo wasiirka arimaha dibada ee dalka Ethiopia.
Waxaana ka mid ahaa jawaabtii madaxa haayadan
caafimaadka aduunka, sida tan, "Hadii dawlada Maraykanku ay joojiso
dhaqaalaha ay ku bixiso Haayadan caafimaadka aduunka, waxaanu u sheegaynaa in
maydku tira beeli doono meel walba”. Isagoo
adeegsaday eraydan sidan ah… "IF
THE US GOVERNMENT SUSPENDS THE ALLOCATED FUNDING PROCESS TOWARDS W.H.O.THERE WILL BE MORE BODY BAGS EVERYWHERE). Hadaba arintan oo dawlada maraykanku aad
moodo in ay aad uga sii cadhootay, isla markiina jawaab degdeg ah ka soo
bixisay. Ayaa waxa xigtay in habeen hore si rasmi ah ay dalwada maraykanku ugu
dhawaaqday in ay gebi ahaanba ay joojisay ama hakisay dhamaanba dhaqaalihii ay
ku bixin jirtay, haayadan caafimaadka aduunka ee (W.H.O).
Waxa hada soo shaac baxaysa sida wararka aduunku sheegayaan in madax sar sare oo ka tirsan labada guri ee looga arimiyo dalka maraykanka in ay waraaqo u qoreen madaxweynaha maraykanka, waraaqahaas oo ay ku qornaayeen taageero ay ugu muujinayaan go’aanka uu qaatay madaxweynaha maraykanku, in gebi ahaanba la joojiyo, dhaqaalaha dawlada maraykanku ay ku bixiso haayadan caafimaadka aduunka ee (W.H.O.) Waxa intaas sii dheer in ay dalbanayaan in xilkana laga qaado masuulka ugu sareeya haayadan caafimaadka aduunka oo ah ninkan xabashiga ah ee aynu ilmaadeerka nahay.
Siday doontaba ha ahaate, waxa jira dad badan oo
reer Yurub iyo Maraykanba leh oo falanqeeya siyaasadaha aduunka, dadkaas ayaa
waxay arintan ku tilmaameen in ay tahay marmarsiiyo cad iyo boodh isku qarin,
markii dawlada Maraykanku ay ku fashilantay in ay wax ka qabato xaaladaha kala
gedisan ee xanuunkan COVID-19 uu ku hayo guud ahaan dalka Maraykanka, oo hada
noqday wadanka ugu tirada badan dad xanuunkani soo ritay ama u dhintay, marka
la barbar dhigo aduuunka intiisa kaloo dhan.
Waxa hadaba iska cad in ninkan Xabashiga ah in dhawaan xilka laga qaadi doono gaar ahaan wiigan aynu ku jirno ama wiiga xiga, iyadoo dawlada maraykanku ay taageero ka dalban doonto dawladaha kale ee waaweyn ee dhaqaalaha culus ku bixiya haayadan caafimaadka aduunka.
Ugu danbayntii waxa is waydiin mudan, Qolyahan midowga Africa. (ORGANIZATION OF AFRICAN UNION) ee Addis Ababa bunka xabashiga ku caba, maanta intay xiniiyo iska baadhaan, tolow ma canbaarayn doonaan go’aankaas uu qaatay madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Donald Trump.
Nasiib daro, maadaama aanay jirin wax Tol iyo Xidid ah oo maanta inaga qabta madaxweyne Donald Trump. Si looga badbaadiyo haayadan caafimaadka aduunka ee uu qoorta iskaga maray. Mise tolow Ururka midowga Africa ee (OAU) ilaahaybaa kuwaas xaalkooda og miyaa.? Oo maanta xaalku waxa uu marayaa waa (SHAAGLE LAGA BAQAY).
Amb. Mohamed Ismail Hussein. (Balishire)
Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Australia.
Email: [email protected]
Phone no: +252 633 165 005. (For WhatsApp only)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!