Masaajida Illaahay

0
Saturday April 18, 2020 - 09:34:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajida Illaahay

    Marka hore waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka asc wr wbr,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka asc wr wbr,

Marka xiga waxan idinla wadaagayaa maantoo ay taariikhda tahay 17/4/2020 maanso kooban oo la magac baxday (masaajida illaahay ) beryahan hadalkii masaajidada ka taagnaa, is,afgaradkaas uu ku dhamaaday waan soo dhaweynayaa.


Mawduuca ugubee
Alifaada maansada
Haduu safka hore ahaa,

Anigana mid darayoo
Diina ku abtirsanayaa 
Maanta iga diyaaree
Ganoow ma ila socotaa 

Gurigii illaahay 
Amaan waxa ugu filan
Aradkiisu ka doortee
Gaar usii suntaday,

Masaajidu waa ishii
Lagaga oon baxay cilmiga,
Ragiibaana ka aflaxay 
Abuhurayriyo lahaa 
Asxaabtii kalabee,

Aayadi siday tidhi
Masaajida illaahay 
Waxa camira uunoo
Salaadaha ka ooga 
Cidii eebiyo rumaysay
Ayaantii danbeeta,e

Hadaba waxa aan tixdayda
Kusoo uruurinlaa ,

Gobta reer binu aadam 
Ehlu masaajida weeye,
Abaal-gudkooduna waa
Ooryihii janada iyo
Ilihii burqanaayay. 

By siciid maxamed cali 
From Finland 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...