Kululaatay Aw Diiriyaw Kaba La'aan-Tiiye ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday April 18, 2020 - 09:05:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kululaatay Aw Diiriyaw Kaba La'aan-Tiiye ( Abdi-Shotaly).

    Ummad yahay ugu horeyn hal iga gunta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummad yahay ugu horeyn hal iga gunta,
balan baan ku qaaday in aan maamulka "Xaafad- tooyadda" sankoodda caano ka keeno, oo weliba macsar ka tuujiyo siddii midhihii la odhan jirey "Sin-sinta" ee ha sugi waayina, tani isma taqaane, way is maqashaye. Intaasi waa hor dhace, ku soo dhawaadda halkaan saaka qalinka saaraayo.

 

Kabash-kabashtu waa maxay weli laguma taabane? Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhayaw" kululaatay aw diiriyaw kaba la'aantiiy" karkii iyo xumaddii hadda ma ku soo gaadheen. ceesaantii mas iyo good madax shabeel leeftaa, malageedi baa galaye. durba sidda miiga ma la isugu kaa xidhay. Ma dhadhawa nabaradda aan kula maaga-nahay, ee kuwa soo socdda iilka baad la gelaysaa, ee sii diyaarso xabaasha, annaa kuugu balan qaaday in aan geeridda kuu soo dedejiyo'e. Waa hubaal in aanan kugu dhaafayn sidaas ilaa aad ka nuuxsan waydo, oo aan meel walba kaa soo arbudo. Waxan ku leeyahay jaahil-yahaw siddii maqasha dheg jeexaha lihi isu naalee, waxaynu ku jirnaa Allaw rey iyo Allaw roonaaye. Waa aniga oo Abdi-Shotaly Ahe, marna taagtaa, marna tamartaa, isku taamoo weligaa ha ii tudhun. Ka caalamka meel walba iyo albaab kaste kaa soo qafilay, waa ninka isaga ah ee "Allaw gacanta hay goyn ninkii Giib dilaan ahaye" Waxa la yidhi dhubuq-dhibuq hore dhabana hays dambe bay leedahaye, aduunkii aad beenta wax kaga cuni jirtay iyo huuhaadda, saw may soo dabar go'in. ninka meel walba kuu galay, ee halkaad raad dhigto-ba soo masaxayaa Waa kan, ee ma cirka baad igu soo dumin doon-taan adiga iyo geenyo shaaximani?

 

Horaa loo yidhi " Tab hayaw lagaa tab hayee" Amnesty International iyo human Rights" labadda annaa dabadda ka wadda, war-bixinta ( Report) laguu soo diray iyo amarka lagu siiyey, ninka soo diyara gareeyey " Waa Abdi-shotaly" Waa lagaa horeeyaa, oo lagaa dambeeyaa, malaha wax baad is moodaye. welina ma cas-casa, oo imika waxa keliya ee ku taabtay waa hay'yadaha " Xuquul-Insaanka oo qudha" Waxa kaloo kugu soo maqan wakhti aan sidaas u sii fogayn ( EU-dda, British Overseas Office-ka, UN Human Rights section and their related international Commissions) Those deals with Freedom of Speeches and Media censorship Groups. Caruurta baa marka reerku guuro, saacadaha hore laga yaabaa xaf-xaf-toodda, dabeed waxa loogu heesaa "Dhalaan qayladu waa qaboonadda" oo micna-heedu yahay, inta ay thay subaxni-madda hore, ee aanay weli daalin bay hawsha wadaan, laakiin markay ku soo kululaato cadceedu, bay talax gabaan oo dhan-qalmaan. Waxan uga socdaa askartii " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani" Waxay cod-koodda ka dheeree-yaanba, oo cago dhigta laga waayo-ba, haday dani u run sheegtay, oo ay ku jiraan sarbeebtii ahayd " Magaaladda maxaa iga qabsaday waan qarsana-yaaye" Inteese la lahaa waar ka daaya sidaas kuma dhashee, oo loogu taag waayey waan-waan iyo wax maqala. ha ka soo maaleen hadaba, imikay daawaha ku erya-yaane.

 

 Waxan ku soo xidhay qoraalkan sarbeebtii ahayd " Rag is galay kala galad la' ama lib rag kaaga dambeeyaa, lib kuuma noqoto" Maah-maah baa waxay hayd " Doqoni xadhiga lagu xidhaayo, iyadaa xagla-heedda ku soo qaadata" oo tidhaaha laba-dible iigu giijiya, tii baa maanta taagan, oo labaddii askari cidlay madxa ku xoqana-yaan, aan ciirsi iyo meel ay u cayntaan mid-na aanay haynin. Dooni baa bad weyn kula degtay, dabaala ma garanayaan, oo ay kolba mawjadi hafinaysaa ( Yaa tawaab). Aduun-yadan wacdara-heedda iyo amuura-heedda qaar, waayo'aragnimo dar u leh-na maaha, wax booba aad cuntaan mooyaane, horaa-se loo yidhi " Wax badso, wax beela way leedahay" laakiin kuwani ma ku xisaab-tameen weeye su'aashu" dunidda waxay u haysteen in ay dabaashaas ay ku jiraan uun tahay, waxase ka daba yimi, oo ku soo mudh yidhi wax aanay filanayn, taas oo ay la mid noqdeen " Rahii gu'ga xorfadda biyuhu ka buuxaan ku dhex dhashay, ee meel uu u dhaqaaqo waayey, markii xagaa kululi soo galay, ee biyihii gudheen ama laga dhamaystay. dabeed halkii ku bakhtiyey, Waxan ku soo dabray maqaalkan, imikay tobankii farood-ba dhafoorka ku hayaan labaddii askari, ee bilaa maskaxdda ahaa. ee bal yaa u miciin ah isku qaraxdaye, oo dunidu ogaatay beentii ay kaga ceeshi jireen, shilin dambe-na la siin maayo, ee ha is eersa-deen,waa tuug la qabtay iyo caada-doode.

* N.B Dhalaan Qayladu Waa Qaboonadda!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...