Boobe Yuusuf iyo Dahabo-Ciisey....W/Q Cismaan cumar Dool

0
Friday April 17, 2020 - 21:25:00 in Articles by
  • Visits: 2081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boobe Yuusuf iyo Dahabo-Ciisey....W/Q Cismaan cumar Dool

    Boobe Yuusuf iyo Dahabo-Ciisey....W/Q Cismaan cumar Dool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boobe Yuusuf iyo Dahabo-Ciisey....W/Q Cismaan cumar Dool





Tolow Boobe Yuusuf Ducaale iyo Dahabo-Ciisey may is yaqaanan oo Buugiisa Baroorta ee dharaaro ayaa na soo maray meela ma kaga qoran tahay.

Waa Tuma Dahabo-Ciisay.


Dahabo-Ciisay waa hooyo ay isku raaceen Goblan, Gabow, wax la'aan oo hada ku nool Buul yar oo ku yaala Xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeisa.


Dahabo-Ciisay waxay dhashay Afar wiil oo magacyadooda la odhan jiray.


Qorane, Xuseen, Dhoolayare iyo Xabashi (Ilma Cabdi Aadan) ay dhamaantood ku dhintay dagaaladii Ururkii SNM uu la galay Dawladii Maxamed Siyaad Barre. Ragaas kii u dambeeyay wuxuu sanadkii 1988 ku dhintay duleedka Galbeed ee Hargeysa, meesha lagu magacaabo Makhaayadda Inanta.


Waxaa isna Xusid mudan Giirre Marawayne oo ahaa wiilasha Dahabo adeerkood, oo isna ka mid ahaa raggii SNM galay 1982 gii, ilaa dhamadkii na dagaalamay, uu laftiisu maskaxda ka jirraday, walaalkii oo danyar ahi na uu ku hayo Hargeisa dhexdeeda.


Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu maalinkasta isagoo Maansooyinkii Hadraawi kolba tuducyo ka soo qaadanaya Gurigiisa la soo dhex fadhiista in dhiig loo soo qubay.!!!!


Hadaba waxay is weydiintu tahay kuwii dhiiga u soo qubay ma isaga iyo boqolkii Diridhabe Hotelada ku jiraybaa? Maxay kuwii dhiiga u qubay ka macaasheen.?

Boobe Dahabo-Ciisay ma yaqaana?


Maamulkase uu ku hodmay isagu ee Afmiisharnimada ku difaaca ma yaqaana Dahabo?


Isagaan weydiinaya maxay Dahabo-Ciisey xaq u lahayd.?


Qormo intan ka balaadhan oo ku saabsan taariikhdan iyo in aynu caawino Dahabo-Ciisey waxaa soo wada oo inala wadaagi doona walaalkeenMaxamed Haaruun Biixi.

Allayow dadkayaga baadilka ka suuli


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...