War Deg Deg Ah:-Taliyihii Booliska Gobolka Saraar Iyo Laba Askari Oo Lagu Dhawaacay Rabshado Ka Dhacay Caynaba

0
Friday April 17, 2020 - 20:55:35 in News by
  • Visits: 4410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Taliyihii Booliska Gobolka Saraar Iyo Laba Askari Oo Lagu Dhawaacay Rabshado Ka Dhacay Caynaba

    War Deg Deg Ah:-Taliyihii Booliska Gobolka Saraar Iyo Laba Askari Oo Lagu Dhawaacay Rabshado Ka Dhacay Caynaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Taliyihii Booliska Gobolka Saraar Iyo Laba Askari Oo Lagu Dhawaacay Rabshado Ka Dhacay Caynaba

Burco(HWN):-Taliyihii ciidamada booliska ee gobolka Saraar Gaashaanle Dhexe Xasan Ismaaciil Yuusuf (Gamca-Yare) iyo askar ka tirsan ciidanka gobolka ayaa dhaawac loogu gaystay magaalada Caynaba.

Booliska Saraar Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Deegaanka Ceelal Iyo ...

Wararka ka soo baxaya magaalada Caynaba ayaa sheegaya in taliyaha ciidanka booliska ee gobolka iyo laba askari oo kale lagu dhaawacay dhagaxaan ka dib markii ay isku dayeen inay awood ku kala kaxeeyaan dad ku xoonsanaa meherad ganacsi oo u dhawayd guriga taliyaha.

Dadkii shacabka ahaa ee ay ciidamada booliska oo taliyahoodu wehelinayaa ay isku dayeen inay kala kaxeeyaan ayaa kala horyimid iska caabin iyaga oo u adeegsaday dhagaxaan ay ku shiideen taas oo keentay in taliyaha iyo laba askari ay dhaawacmaan.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada boolisku ay dadka shacabka ah u adeegsadeen rasaas xoog badan taas oo aan ilaa hada la xaqiijin inay sababtay khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaadha bulshada.

Warka ayaa xaqiijiyey in taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Saraar uu dhaawac culus ka soo gaadhay madaxa ka dib markii ayhaleeleen dhagaxaantii ay shacabku kala horyimaadeen.

Hadhwanaagnews kala soco wixii warar ah ee ka soo kordha.

Loading...
Loading...