"Ururka ONLF Raaligelin Haka Bixiyaan Xasuuqii Ay Shacabka U Gaysteen"..Madaxweyne Mustafe Cagjar
Jigjiga(HWN):-Madaxweynaha dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay xasuuqyadii ay jabhada ONLF gaysatay mudadii ay dagaalada kaga soo horjeeday dawlada Itoobiya.
Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in ururka ONLF looga baahan yahay raali gelin uu bixiyo maadaama oo uu hada ka mid yahay xisbiyada siyaasada ee Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
marnaba lagama indho qarsan karo shacabkii ay ONLF xasuuqday intii ay halganka ku jirtay, iyaguna ma dafiri karaan shacabkii ay laayeen oo Agoontii ay ka tageen ay meel kasta dhooban tahay.
Ururka ONlF imika way soo af-meereen dagaalkii ay ku jireen maantana waa xisbi ethiopian ah oo la mida xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dhamaan deegamada Ethiopia.
Waxa looga fadhiyaa hogaanka sare ee xisbiga ONLF inay raalli-gelin iyo garowshiyo buuxda ka bixiyaan xasuuqii ay geeysteen wakhtigii ay dagaalka ku jireen.”


0 





