Dr.Gaboose Oo Si Toos Ah Ula Hadlay Hogaamiye Muuse Biixi
Hargeysa(HWN):-Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta somaliland ee aqoonta dheer u leh caafimaadka ayaa si dareen leh uga hadlay sida uu jaadku u fidin karo xanuunka Coronavirus.
Dr. Gaboose oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa hogaamiye Muuse Biixina u diray fariin toos ah oo ku saabsan sida uu jaadku u fidin karo xanuunka dunidu la tacaalayso ee coronavirus.
Dr. Gaboose oo ka hadlaya dhibaatada laga dhaxli karo jaadka somaliland kaga imanaya dhinaca dalka Itoobiya ayaa waxa uu yidhi "Jaadku waxa weeyaan cunto aan daboolnayn oo aan bac lagu soo xidhin oo aan warshad ka soo bixin oo aan la soo maydhin oo aan la soo dawayn oo iyada oo nadiif ah uu qofkii bacda ka furanayo balse waxa weeyaan cunto dadku gacanta ku soo habeeyey oo gaadhi la soo cararay dad kale ayaa gacanta ku soo taabtay meesha ugu dambaysa ee lagu iibiyo ee kolayga la yidhaahdana qofku wuu iska eegaa oo gacanta ayuu ku taabtaa isaga oo naqaysanaya waanu iska tagayaa, qofka kale ee yimaada ayaana qaadanaya jaadkii uu taabtay qofkii qabay Covid-19.”
Dr. Gaboose oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Marka aad qaadato ee aad gurigaaga la tagto yaa kuu damaanad qaadaya caruurtaadii, xaaskaagii aad jeclayd, walaalahaa iyo qaraabadaadii aad la dhex fadhiisatay yaa kuu damaanad qaadaya, waa ibtilo aad ku fidinaysid qoyskaagii iyo dadkaagii, hadaad marfash la fadhiisato saaxiibadaa yaa kuu damaanad qaadaya in mid idinka mid ah aanu dushiisa saarnayn xanuunku oo aan la soo taaban, waxaana maanta la xaqiijiyey in taabashadu ay tahay waxa ugu badan ee xanuunka lagu kala qaado.”
Sidoo kale Dr. Gaboose ayaa shaaciyey inuu hoos u dhigay lacagta ay tigidhka ku goostaan dadka uu adeegyada caafimaad u fidinayo "Anigu maanta laga bilaabo iyo ilaa inta uu xanuunku socdo tigidhkaygu hadii uu $40 ahaa waxaan ka dhigayaa 20$ hadii khasab ay noqotana waan iska daynayaa 20$”
Dr. Gaboose waxa uu si adag u dhaliilay in guddida somaliland u qaabilsan ka hortaga coronavirus ay wacyi gelinta ka reebaan Jaadka "Madaxweyne miyaanay wax laga naxo ahayn in guddida wacyi gelintu ay yidhaahdaan gacmaha maydha oo sanka xidha oo waxan yeela balse ay ka baqdeen inay jaadka ku daraan wacyi gelinta, hadanad joojin Karin waxaan kaa codsanayaa madaxweyne inaad wacyi gelinta ku darto, qofkuna isaga hays dilo laakiin waxa uu galaafanayaa umadii kale.”


0 





