Jaamacada Admas Oo Ardaydeeda Uqabatay Tartan Kubada Cagta Ah SAWIRO.

0
Sunday April 07, 2019 - 11:18:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacada Admas Oo Ardaydeeda Uqabatay Tartan Kubada Cagta Ah SAWIRO.

    Hargaysa (HWN) Jaamacada Admas xarunteeda magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland ayaa shalay furtay tartanka kubada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Jaamacada Admas xarunteeda magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland ayaa shalay furtay tartanka kubada cagta ee dhexmara qaybaha kala duwan ee ardayda dhigata Jaamacada Admas.


Furitaanka tartankan oo ay ku tartami doonaan tobon kooxood oo dhamaantood ka socda jaamacada ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka, macalimiinta iyo shaqaalaha jaamacada Admas iyo masuuliyiin ka socday xukuumada Somaliland oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Mire Maxamed (Boos).



Ugu horayna waxaa munaasibada oo ka dhacday garoonka gaarka loo leeyahay ee ciyaarsame hadalka bilaabay gudoomiyaha jaamacada Admas Ixsaan Cumar Ismaaciil waxaanu ka sheekeeyay faa’iidada ay leedahay is dhexgalka Ardaydu iyo sidoo kale faa’iidooyinka caafimaad ee ciyaarista kubadu uleedahay jidhka bini’aadamka " waxaan idinku soo dhawaynayaa Admas League, waana sanadkii afraad ee tartankan kubada cagta ay jaamacadu qabato, caqliga caafimaadka qabaana waxa uu ku jiraa jidhka caafimaadka qaba” ayuu yidhi Gudoomiyaha jaamacada Admas.


Cabdishakuur Maxamed Aadan oo ah gudoomiyaha sanadkan ay dooratay ardayda jaamacada Admas ayaa ku booriyay ardayda ku tartamaysa tartanka kubada cagta ee jaamacada Admas inay la yimaadaan ciyaar hufan oo ay ku jirto akhlaaq


Ugu dambayntiina waxaa soo afmeeray munaasibada furitaanka koobka kubada cagta ee jaamacada Admas Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mire oo ku dheeraaday amaan uu ujeediyay maamulka jaamacada admas oo uu sheegay inay u hagar baxeen ardayda kala duwan ee dhigata Jaamacada xaga aqoonta iyo xaga ciyaarahaba, waxaanu wasiir Boos Mire sheegay in uu sanadkan iyo sanadkii horaba uu goob joog u ahaa furitaanka koobka tartanka kubada cagta ee Jaamacada Admas "waxaan ku hambalyaynayaa Jaamacada Admas qabashada tartanka kubada cagta oo uu sannadkii afraad sanadkani yahay, sannadkii horana waan lafuray kana waanigan joogaa, waa arin aad iyo aad qaali ugu ah dalkeena iyo dhalinyaradeenaba iyo guud ahaan mujtamaceenabada, mahadaana marka koobaad waxaa iska leh ilaahay, waxaanan umahad celinayaa oo mahada labaad leh Jaamacada Admas oo suuro gelisay qabashada tartankan” ayuu yidhi Wasiir Boos Mire.


Dhamaan masuuliyiintii iyo waalidiintii ka hadlay munaasibada ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay ciyaaruhu uleeyihiin jidhka iyo is dhexgalka bulshada.

Loading...
Loading...