Somaliland:-Warbixintii Ugu Dambaysay Ee Xanuunka Covid-19 Oo Dawladu Soo Bandhigtay

0
Friday April 17, 2020 - 16:57:47 in News by
  • Visits: 1993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Warbixintii Ugu Dambaysay Ee Xanuunka Covid-19 Oo Dawladu Soo Bandhigtay

    Somaliland:-Warbixintii Ugu Dambaysay Ee Xanuunka Covid-19 Oo Dawladu Soo Bandhigtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Warbixintii Ugu Dambaysay Ee Xanuunka Covid-19 Oo Dawladu Soo Bandhigtay


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka Coronavirus.

Somaliland: Sida sahlan ee looga hortegi karo cudurka Corona-19?


Agaasimaha guud ee wasaaarada caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigy xaaladihii ugu dambeeyey ee ay somaliland wajahday iyo talaabooyinka ay dawladu qaaday.


Agaasime Xergeeye oo soo bandhigaya warbixintii ugu dambaysay ee xanuunka Coronavirus ayaa waxa uu yidhi "kiisaska aanu ilaa hada xaqiijinay waa shantii hore kuwaas oo hada aad u fiican, waxaana hada dibada inoogu maqan shaybaadhka 11 qof kuwaas oo aanu rajaynayno inay deg deg inoogu soo noqdaan jawaabahooda, dadka laga baadhay xanuunkan tiradooda guud waa 139 qof, shalay oo kaliyana dadka laga hubiyey xanuunkan ee xuduudaha dalka lagaga baadhay tiradoodu waa 1986 qof, mana jiro qof kaliya oo lagu arkay xumad ama calaamadihii kale ee xanuunkan, waxaanan bulshada u sheegayaa inaanu jirin cid u dhimatay xanuunkan oo wasaaradu diwaan gelisay iyo cid u jiifta oo cusbitaalka la dhigay”


Sidoo kale waxa uu sheegay in shaqaalaha caafimaadka somaliland ay heegan ku jiraan isla markaana goobtii looga baahdana ay tagayaan "Waxaan shacabka u sheegayaa in shaqaalaha caafimaadku ay heegan yihiin iyaga oo qaybo kala duwan isku qaybiyey, lambarkii 988-ka ahaana uu shaqaynayo goobtii looga baahdana ay shaqaaluhu deg deg uga hawl galayaan, waxa kale oo aan bulshada u sheegayaa inay diyaar yihiin cusbitaaladii la diyaariyey haday caasimada tahay iyo haday gobolada tahayba.”


Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa dardaarano muhiim ahu diray shacabka somaliland waxaanu yidhi "Dadweynaha waxaan kula dardaarmaynaa inay ka feejignaadaan meelaha layskugu yimaado, waxa kale oo aan kula dardaarmayaa inay guryahooda joogaan oo ay daboolaan afkooda iyo sankooda marka ay qufacayaan ama hindhisayaan, waxa kale oo aan u soo jeedinaynaa inay nadaafada ku dedaalaan oo ay gacmahooda maydhaan markasta oo ay meel galayaan iyo mar kasta oo ay guryahooda joogaan.”

 


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...