China Oo Beenisay Inay Qarisay Xaqiiqda Cudurka Coronavirus
China ayaa maanta beenisay eedeymaha dalalka Reer Galbeedka ee ah inay qarisay xaddiga faafitaanka cudurka Coronavirus, waxayna sidoo kale ku gacan seertay tuhunada Mareykanka ee ah inay xiriir hoose la leedahay ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa qiray in sida
dhaqsaha leh ee uu ku faafayey fayruska ay keentay in la shaaciyo tiro ka yar
tan saxda ah, taasi oo dhalisay in maanta ay China sare u qaaday tirada dadka
ku dhintauy cudurka.
Hase yeeshee Zhao ayaa yiri "marnaba ma jirin wax qarin, mana ogolaan doono in
wax la qariyo.”
Warkan oo aanu ka soo xiganay idaacada VOA ayaa intaasi ku daraya in Tuhunada
ku saabsan in China ay xiriir dhow la leedahay Ururka Caafimaadka Adduunka ee
WHO ayaa ah "kuwa loogu gefayo” Beijing, ayuu yiri Zhao.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa su’aal ka keenay sida China ay ula
tacaashay faafitaanka cudurka, iyo inay daah-furneyd tan iyo markii cudurka uu
kasoo shaac-baxay magaalada Wuhan, sanadii tegtay.
Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Dominic Raab iyo madaxweynaha Faransiiska
Emanuel Macron, ayaa sidoo kale Khamiistii shaki geliyey jawaabta China ee
fayruska.
Tuhunadan ayaa mar kale soo shaac baxay maanta kadib markii mas’uuliyiinta
magaalada Wuhan, oo aheyd xudunta cudurka ee dalka China, ay tirada dhimashada
sare u qaadeen 50% ama 1,290, oo ay gaarsiiyeen 3,869 qof, taasi oo tirade guud
ee dalka ka dhigtay 4,632.


0 





