Waa Maxay Sirta Ka Danbaysa Ka Bixitaanka Ingiriiska Ee Midowga Yurub

0
Sunday April 07, 2019 - 11:07:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sirta Ka Danbaysa Ka Bixitaanka Ingiriiska Ee Midowga Yurub

    Arrinta ka bixitaanka Ingriiska ee Midowga Yurub ee loo soo gaabiyo (Brexit) macneheedu yahay sidu ku yimid "British+Exit=Brexit"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrinta ka bixitaanka Ingriiska ee Midowga Yurub ee loo soo gaabiyo (Brexit) macneheedu yahay sidu ku yimid "British+Exit=Brexit"

inuu wadanka ingriisku iskaga baxo Ururka ay ku bahoobeen Reer Yurub ee "EU”, waxay soo bilabantay 2016kii markii Cod loo qaaday dadka Ingriiska ah waxa ogolaaday in laga baxo yurub 51.9% waxa taageeraya qodobka Article 50 ee Dastuurka "EU” wuxu ogolaanayaa in muddo laba sano ah wadanka ka baxayaa u ku urursan karo xamaantiisa,ka dibna uu sidaas ku baxo.

Waxa dabada ka riixayay ka bixitanka Ingriiska ee Midowga yurub qolyaha aan iyagu jeclayn in yurub lagu sii jiro,oo ka kooban garabka midig iyo kuwa bidixba ee xisbiga Conservative, hase ahaatee qolada kale ee Yurub jacaylku ku jiraa waxay rabeen in laga sii mid ahaado, sida xisbiga Labour uu qabo, ama xattaa haddii laga baxo yurub uu jiri karo hab kale oo la isugu sii xidhnaan karo oo heshiis ah,waxa hogaamiya Xisbigan Siyaasiga Jermy Corpyn,qolyaha Liberalka ayaa iyagu jecel inuu "Brexit” oo dib loogu noqdo EU.

1973 ayuu Ingriisku ku biiray Yurub”EU” sida sharcigu dhigayo laba sano ka dib ayaa cod loo qaaday in laga ogolaado in Ingriisku ku soo biiro iyo in kale 1975 sidaas ayaa loogu biiray,hase ahaattee 1980s ayay bilaabantay,in durba laga soo hor jeesto ku biiritaankii Yurub,sidoo kale waxa so baxaya Waraaqo sir ah oo hoosta la dhigay oo sheegayay in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub 30 sano ka dib,sidaas darteed waxayba leeyiin waa goor danbe oo la soo habsaamay.

Haddii aan dib ugu yar noqonno taariikhda EU iyo siday ku timid,waxa la yidhaa waxay ka timid Fikrad uu soo saaray Sir Winston Churchil raisal-wasarihii ingriiska oo uu soo jeediyay inay Waddamada Europe samaystaan, Federation ama Confederation loogu magac daro "United States of Europe”intii ka danbaysay dagaalkii labaad,si ay waddamada yurub u noqdaan Quwad la mid ah ta maraykanka oo kale "United states of America”

Hase ahaatee xilligaas ficil ahaan umay suurto gelin,waxayna ahayd 1967 markii Rome(Italy) lagu aasaasay,wakhtigaas waxay ahayd EEC Europian Economic Community "Suuqa Baewaqosooranka ee Waddamada Yurub,hase ahaatee 1993 ayaa lagu sameeyay Reform waxana laga dhigay EU Europian Community.

MABAADIIDA GUUD EE LOO DHISAY

1-In aanu noqon dagaal yurub ka dhex dhacaa wax lagu fikiroba.

2-In la sii ambaqaado hanaanka Demoqradiyadda,waddamada xubnaha ka ah

3-iyo in iskaashi laga yeesho xagga dhaqaalaha iyo is dhexgalka isla markaana waddamada yurub yeeshaan Suuq xor ah oo u dhexeeya iyo lacag isku mid ah,

SABABTA II INGIRIISKU UGU BIIRAY YURUB

Markam hore waxa bilaabay lix waddan France,Italy.Belgium,Luxemberg,Netherland iyo West germany illaa markii danbe ay gaadheen 28 waddan,waxa uu in badan ingiriisku dusha kala socday Midowga Yurub hase ahaatee waxa uu dhukusoba aakhirkii ayuu codsi u diray sidii uu ugu biiri lahaa Midowga Yurub 1973-kii

Sababta ugu wayni Waxay ahayd dhaqaalaha Ingriiska oo fadhiisan waayay intii u dhaxaysay 1945 – 1973 halka uu dhaqaalihiisu deganaansho sameeyay intii u dhaxaysay 1973-2010 kii taariikhdan danbe oo ahayd intii uu ku jiray "EU”

MAXAA KALIFAYA IN INGRIISKU KA BAXO YURUB

Waxyaabaha dabada ka riixaya waxa kamid

1-Yuhuudda degan maraykanka oo daaha dabadiisa ka hagaya maadaama Maraykanka iyo Ingriisku yihiin Xulafo soo jireen ah,iyagoo ka war war qaba Yuhuud nacaybka ku soo badanaya yurub gaar ahaan Jarmalka,in aanay noqon Yurub Quwad maraykanka ka hortimaadda oo meesha ay ka baxdo Hogaaminta maraykanka ee Adduunka,si taasi meesha uga baxdo waa in Yurub la taag darreeyaa oo Ingiriiska laga saaraa,

2-Dadka qaarkood ayaa rumaysan in qolyaha loo yaqaan (Tory) ee ah kaadiriinta taagera Xisbiga Conservative inay rabaan in Britain noqoto meel kala sarrayn iyo dhaqaale uu shaqeeyo xaaladduan ay ku noqoto uun (Capitalist) hantogoosi,macnaha nin walba waxay hantidiisu u goyso ayunbuu leeyahay ama isku dul noolaansho.

3-Dad kale ayaa Rumaysan in ka bixitaanka Yurub uu yahay wax qaybinaya dadka Ingiriiska ah "Divide and Rule” xagga siyaasadda ay kula tagayaan oo dadka qaarkood lagu calaamdiyo dhowaan yimid ama soo Galow,waxayna dad badan Rumaysan yihiin in isu furnaanta Yurub ay saamaxday inay dad badani ay soo Galaan waddanka Ingiriiska.

ISMARIWAAGA JIRA

Aqoonyahan badan oo reer British ah ayaa fikirkoodu yahay in isla waynida Ingriisku ay ku dhamaan karto ama ay isu beddeli karto xagga kale oo la arki doono Ingriiska oo baahan ama ay uga dartay ka bixitaanka Yurub,halka Qolada kale ee Aqlabiyadda ah ee loo yaqaan (Brexiteers) ay iyagu leeyihiin dadkan faraha badan ee soo galowga ah ayaa naga yaraan doona shaqooyin fiican ayay muwaadiniintayadu heli doonaa,waxana la gaadhi doonaa barwaaqo.

Illaa iyo hadda waxa la isku mari waayay qaabkii looga bixi alaah Midowga Yurub,waxa jirta afar qaab oo ay soo dhigty Raiisal wasaaraha ingiriiska Theresa may oo ay kala dooransiisay in looga baxao hase ahaatee golaha (Commons) waxay ku diideen Cod aqlabiyada ah,dhinaca kale wakhtigii ay Midowga yurub u kordhiyeen inay howlohooda ku soo dhamaystaan ayaa ku eeg 12 april,2019 haddii laga tagi waayo 22may 2019 ayay ku egtahay illaa haddana ma muuqato in dhinaca Ingriiska wax heshiis lagu yahay ka soo baxayaan,dadka taageera ka bixista Yurub ee loo yaqaan "Brexiteers” ayaa iyagu ku doodaya "Ka bixis macneheedu waa ka bixis” waxay rajaynayaan in Ingriiska waa Cusub u bari doono.

Calaa kulli xaal waxay u egtahay in Ingriisku bilaa heshiis kaga baxayaan Waddamada midowga Yurub 12 april 2019 in kastoo ay Theresa may Codsatay in loo kordhiyo illaa 30 june 2019, sidaas ayaanay taariikhda ku gelaysaa waddankii ugu horreeyay ee ka baxa Midowga Yurub inuu Ingiriis ka noqdo.

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-410123


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...