Maxaad Ka Taqaan Astaamaha Cudurka Covid19? W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

0
Friday April 17, 2020 - 09:47:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaan Astaamaha Cudurka Covid19? W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

    Korona fayrus waa nooc fayras caan ah oo keena infakshan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Korona fayrus waa nooc fayras caan ah oo keena infakshan ku dhaca sanka ama cunaha sare. Inta badan korona fayrusku khatar muu  ahayn                 


Laakiin horraantii 2020 ka dib markii uu ka dillaacay Shiinaha bishii Diseembar 2019 ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu u aqoonsaday covid2019  kaas oo noqon kara mid dilaa ah.

 

Cudurkan ka dillaacay shiinaha ayaa si dhakhso ah ugu faafay adduunka oo dhan isaga oo ku faafaya xidhiidhka qof-ka-qof iwm

 

Astaamaha cudurkani  waxay ku soo muuqan karaan 2 ilaa 14 maalmood sida ay dhakhaatiirtu sheegeen ka dib marka uu qofka soo gaadho ama uu haleelo cudurku  astaamahiisu waxay aad ugu eegyihiin  astamaha  hargabka caadiga ah  waxana ugu caansan astaamahan  hoos ku taxan.

 

 

 

Neefsashada oo yaraata

Sanka oo cabudha

Madax  xanuun

Cune xanuun

Qandho

Qufac

Neefsashada oo adkaata ama neefsashada oo dhib noqota

Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara:

Daal

Xumad badan

Sanka oo dareera

Shuban

Matagid

Oof wareen

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Suxufi madax banaan

Hargeysa somaliland

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...