Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash oo ka hadlaya sidii karoonaha dawlad shiciba meel uga soo wada jeedsan lahaayeen

0
Friday April 17, 2020 - 09:43:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash oo ka hadlaya sidii karoonaha dawlad shiciba meel uga soo wada jeedsan lahaayeen

    Waxaad mooda in dunidii ay yeelatay hal il,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaad mooda in dunidii ay yeelatay hal il,
taa oo ay ku eegayaan khatarta karoonaha,dhamaan dunidii maantana waxa laga siman yahay ka horjeedka khatarta karoonaha.


Eeshyada fog' carabaha iyo afrikaba iyo wadan kastaaba wuxuu la tacalayaa ballaayada aduunka saamaysay ee kasoo far cantay gobolada shiinaha.

 

Taasi oo sida daaadka xoorisay sida diyaaradana hawada martay,taasi oo gallaaftay mallaayiin shacaba xajkii dhamaana ku qasabtay in la xidho,ama la hakiyo.iyadoo loo firinayo badbaadada iyo bad qabka naf.

 

Somaliland oo ka mida dunida iskusoo wada duuboo tiraba waxa la sheegaya saddex qof.


Balse dalkaa aynu jaarka nahay jabuuti afar boqolbaa lagu soo waramayay,in kastoo dalkaasi jaarka i ee somalia iyadna wax laga sheegsheegayay .


Isku duuboo cudurkan waa masiibo aduun, haddaba somaliland waxa la gudboon in shicib, dawlad, abwaano, qorayaal, dhakhtaro, shirkado nooc walba ha ahaadaanee,warbaahin, la isee wado taago oo gacmaha la is qabsado la dagaalanka khatarta caabuqa karoonaha


Hamse Riiraash

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...