Cali Gurayaw Jooji Oohinta Adaa Aasaye ( Abdi-Shotaly).

0
Friday April 17, 2020 - 09:29:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Gurayaw Jooji Oohinta Adaa Aasaye ( Abdi-Shotaly).

    Waxa ku jirey Maanso hore loo tiriyey " Nin gurani hal uu dhebay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ku jirey Maanso hore loo tiriyey " Nin gurani hal uu dhebay,
oo dhebiga saar-saaray, dhana uma fayoobaa la yidhi, oo dheegagaa baxaye" Waxa sidaas ka dhigan saaka Cali  ( Waa kaad tidhaahaan Cali Guraye) oo ah kii geesaha ka jebiyey Somaliland, afarta adin-ba ka kirkiray, ee intuu karaaciin ka dhigay, weliba dabka ku sii deebiyey, gantaalaha cadceedda intuu hoos dhigay, ku dubtay waaxya-heeddii macaanaa, ee lug-ba gees u xidhay, si aanay raaf u riixin, isugu baaqay  habar dugaaga oo oodihiisa wata ( Kuwa hilibyo cunka ah weeyee). Maalin weyn u wadhay cad-keedii jilic-sanaa, yidhi waraabaw waa hal kadan, ee u kaalay barwaaqo sooran, aan cidi kugu haysan baan kuu diliaye, ee haad iyo habqle-ba ku soo dareershay, shaydaanka u faruur xidhay, iyadda oo nolol sii firig-firig leh, taagnidda ku gawracay, xataa garan waayey fadhiisi, oo bisinka u qabo markaad qalayso, ee weliba iyadda oo sara-joogta, soconaysa kolba waslad jaraayey, ugu qoor gooyey beenta iyo munaafa-qadda ah reer hebel, iyadda oo qaran ah kii docaha mudaca kaga mudaayey, ee meel kasta ka dalooliyey, geeridda horteed sii dhiig miirtay, laf iyo dheecaan-ba ka sii dhameeyey, maska ugu jilib xidhay abriska ah bankii giriyaad dhex-diisa, ee abeesyoo-yinkii abo-guridda ahaa, dhinac kaste yidhi kaga soo gurguurta, hal baan inoo qalaye, Kii mayd-keedda diiday si gobinmo leh in godka loogu rido, ee door-yaanka iyo baala-laydda caya-yaanka u fasaxay in ay hara-geedda feentaan Akhristaw " Miyaanu ahayn Cali "?

 

Waxa la yidhi, oo maah-maah soo jireen ahayd " Karis xun iyana wax ku la' " oo Micna-heedu yahay, qofka is yidhaaha wax karso, laakiin aan micno iyo farsami mid-na aan u garanayn, ee hunguri qaado, isaga oo aan gaajo u qabin, mar qudha buu inta uu isku wadda shubo dabeed dabka saaraa, oo moodaa in sidaas wax la cuni karaa ay ugu bislaan doonaan, waxase ku soo baxa aakhirka, wax aan cunto hayn balse sawir-keed leh, fandhaala la dari karin, bani'aadam cuni karin, raashin la odhan karin, una eekayn, waxana qofkii waxaas sameeyey uu ka sii qaadaa gaajo joogto ah iyo macluul uu afku cidla ku qaloocdo, waa sidda " Cali Waal haysata'e" Ee uu maanta af dhul la dhigi waayey, qaylo dhaan iyo wax baa khaldan ku waashay, cid ka hoos qaadana waayey, dheriguu reer hebel ku dhar-dhaaray, uu ka soo baxay hadda bushuq ka biyo dhacay, oo bilaa dhan-dhan ah, iska daa af la geliyo'e, dusha kaaga soo uraya isaga oo weliba sidaas lagu sii dedaayo, oo laga qarinaayo in aanu ummadda u soo urin, qudhnaka meesha lagu huursaday. Waxan leeyahay

 

 " Cali waalaw, halkaad dhigtay bay ku curyaan-taye jooji bac-bacdda iyo kiis iska waalka aan lagaa siisanayn. Hadda ma u tahay qaranimo diyaar? Ku saaqiday qabiile, mise waa kaa xil doonimo iyo is yeel-yeel?

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan ugu dambayn, Cali Waalaw "Ha doon-doonin qaranimo, adaa ka doortay qabyaalad'e" Halkan hoosana ka akhri wixii aad ku boqna goysay Somaliland. Waxa murti ahayd weyn " qof-na af-kiisa lagama xaal siiyo" Waxan ku leeyahay u adkayso hawlaha, oo dib-naha isku qabo " Adaa aassaye jooji oohinta" Oo ilmadda been-beenta ah ee aad qubayso, ka masxa indhaha ha ku raad gadane. Somaliland kii iyadda oo haba iska cago beeshee, weli silic luud sii liic-liicaysa, intuu qadaadka qabtay, xabaasha ku sii tukhan-tukheeyey baad tahay. Miyaanad ahayn "Cali Waalaw" kii dad hortii u badheedhay qabyaaladda ee lahaa " Halkii illaahay i baday baan raacayaa" oo micna-heedu yahay " Qaran ma rabo ee qabiil baan caabudaa" isagaana aan ku khsabanahay. Su'aalaha lagaa rabo in aad ka jawaabto waxa weeye, Mar baad doorasho lahayd, kolkiina waa adiggii reer doortay ee diiday qaran, dawladnimo iyo dal, sidaas awgeed " Maxaad maanta u doon-doonaysaa qaranimo? Saw adiggii qulaan-qulshaha ka gawracay! Adiga oo calaa-haakadda isugu yeedha " Mujaahid baan ahay ha-yeeshee macalin BB-ya ahaan jirey", Muwaadin intaas-ba soo dhaaf, oo mar kale miyaanu ahayn kii lahaa " Sacad Muuse Haduuu dooran waayo "Raggii ma adigaa ka hadhay" Weliggii madaxnimo heli-maayo ee cadaan shaaca u qaaday? Hadaba waxa la yidhi "Balaayo aan kaa qoslinini balaayo maahee" Ma imika baa wax kuu dhinmeen? Intii ka dambaysay mar-kaad waxaas ku dhuraysay? Mise hore-ba cayn-kaad iska ahayd? Ma kolkuu sidaas u hadlaayey dad-yahaw, buu hashka-daynta soo bilaabay? Siddii baabuur ay ka xumaadeen balaag-yaddii? Waxan kugu dhaafay " Halkaa saamaha kaga gur ay galabta kuu taaloo" Waa abaalkaa oo waxay martay dariiqii aad u sahamisay ee qabiilka'e" Miyaad wax ku wayday tiina waa yaabe? Allaa- Kariim. Ma ku daalay dhafoorku? Cadkii xumaa ee aad liqdaa caloosha kuu fadhiya, mana tufi kartid oo wuu kugu tegay, ee wareerka la jiif sheekhaw lagaa jamcin maayo'e.

* N.B  Ha Doon-Doonin Qaranimo, Adaa Doortay Qabiile!

Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...