'' Halyeygii Cadaalad Daradda U Hoydoy''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Friday April 17, 2020 - 09:14:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Halyeygii Cadaalad Daradda U Hoydoy''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Gen Maxamed Caynaashe guuleed,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gen Maxamed Caynaashe guuleed,
wuxuu ka mid ahaa 8 sarkaal ee ugu horeeyey Ciidamadii Dawladii daakhiliga ahayd ee Soomaaliya tababarka ugu dirtay wadanka Talyaaniga sanadkii 1952 , sideedaa sarkaal oo kala ahaa ,:- Daa’uud Cabdulle Xirsi, Max’ed Abshir Muuse, Max’ed Ceynaanshe Guuleed, Max’ed Ibraahin Axmed (Liiq-liiqato), Xuseen Kulmiye Afrax, Max’ed Siyaad Barre Cabdille, Max’ed Bin Khamiis, Cabdalla san Dheere.


Markii xoriyadii lixdankii ay soo dhawaatay ayaa Xisbigii SYL isagoo ku shaqaynaya qaacidada xisaabeed ee saami qaybsiga wuxuu magacaabay madaxdii ciidamada booliska iyo milateriga oo markaa la aasaasayay , waxaanu ku saleeyey qaacidadan 2.5 , Hawiye X Darood . inta kale 0.5 ,qabtina waxay u dhacday sidan .


1-Taliyaha Milateriga Gen Daauud Cabdile faynuus hawiye , kaasoo horre u ahaa Gaashaanle .

2- G/sarre , Maxamed Siyaad Barre Darood ku xigeen , horrena u ahaa gaashaanle .

3- Taliyihii booliska Gen Maxamed Abshir Muuse , Daarood , kaasoo horre u ahaa Gaashaanle .

4- G/sarre Maxamed Ibraahin liiq-liiqato , Hawiye , taliiye xigeen , horre u ahaa gaashaanle .


Maxamed Caynaashe sidda saaxiibadii muu helin dalacaad iyo xil wayn midna , hassa yeeshee waxaa la siiyay hal xidig oo munaasabadii xoriyadda awgeed loo dalacsiiyey , waxaanu sidaa ku noqday Gaashaanle dhexe ( Colonel ) , waxaana 1960 loo magacaabay Taliyihii ugu horeeyey ee Qaybtii 26 aad ee Hargaysa .


1961 Markii uu dhacay Inqilaabku Maxamed Caynaashe wuxuu ahaa taliyihii badbaadiyey midnimadii wadankii waagaa la odhan jirey Soomaaliya ee cagta mariyay saraakiishii isku dayday inqilaabkaas , kaasoo ay hogaaminayeen sadex sarkaal oo ay isku hayb ahaayeen kuwaasoo kala ahaa ,


1-2 xidigle Xasan kayd , habar yoonis .

2- 2 xidigle C/laahi Koongo habar yoonis .

3- 2 xidigle Muxumed Awr Habar yoonis .


Maxamed Caynaashi hawshaa uu qabtay laguma tixgelin , waxaana lagga dhigay mar danbe Hogaan ka tirsan Taliskii guud ee ciidanka.


1965 Markii uu geeriyooday Gen Daauud oo ahaa taliyhii guud ee Milaterigu , Maxamed caynaashe wuxuu siiniyaarati ahaan ugu dalacay taliye xigeenkii Milateriga , waxaanu ku xigeen u noqday Maxamed siyaad ,oo badalay Gen Daauud .


1965-69 Caynaashe Wuxuu ahaa taliye xigeenka milateriga, markii inqilabku dhacayna ee taliyihii milateriga Maxamed siyaad noqday Madaxwaynahana waxaa loo magacabay taliye iyo wasiirkii gaashaandhiga Salaad gabayle iyo Maxamed Cali samatar oo ahaa saraakiishii Caynaashe ka hoos shaqaynayn jirtay hasa yeeshee Caynaashe booskiisii buu joogay lamana dalacsiinin .


Golihii sarre ee kacaanka markii la dhisayay , Waxaa gudoomiiye u noqday Maxamed Siyaad , ku xigeena waxaa noqday Jaamac Qoorsheel oo ahaa taliyihii Booliska , Caynaashe oo booska ku xigeenka xaq u lahaa maadaama uu ku xigay maxamed siyaad booskii uu xaqa u lahaa waa la dhaafiyey .


1972 ayaa la xidhay Maxamed Caynaashe guuleed , Maxkakamadii badbaadada oo ahayd maxkamad aan sharci ahayn ayaana ku xukuntay dil , xukunkaas ka dib , Maxamed caynaashe waxaa lagga codsaday in uu cafis u qorto maxamed siyaad , hassa yeeshee Caynaashe wuxu ku dooday , anigu wax danbiya maan gelin , binu'aadamina cafis waydiisan maayo , sidaas ayaana Maxamed Caynaashe lagu dilay 1972 .


Sidda ay isku raaceen dad badan oo taariikhda lagga waraystay ama wax ka qoray , Maxamed Caynaashe wuxuu ahaa , nin af-gaaban , ehlu cibaado ah oo daacad ah , hassa yeeshee halyeygaasi wuxuu naftiisa ku waayay cadaalad darro , weligiina tariikhdiisa lama xusin , goob laggu xasuustana looguma magacdarin .

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...