Soomaaliya Iyo Safiirka Maraykanka Ee Muqdisho Oo Lagu Eedeeyay Inay Somaliland U Diidaan Deeqaha Ay Dunidu Bixiso

0
Friday April 17, 2020 - 08:41:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Iyo Safiirka Maraykanka Ee Muqdisho Oo Lagu Eedeeyay Inay Somaliland U Diidaan Deeqaha Ay Dunidu Bixiso

    Hargeysa(HWN)-Michael Rubin oo ah khabiir Maraykan ah oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Michael Rubin oo ah khabiir Maraykan ah oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute,

ayaa dawladda Soomaaliya iyo safiirka Maraykanka ee Muqdisho danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay Somaliland u diidaan inay qaybteeda hesho deeqaha Soomaalida la siiyo.

 

Rubin, oo qormo uu qoray toddobaadkan ku baahiyay mareego kaal duwan, wuxuu  ku eedeeyey dawladda Muqdisho iyo danjiraha Maraykanka inay  deeqaha caalamku siiyo Soomaalida  ay u diidaan inay Somaliland qaadato qaybteeda. Waxaanu Somaliland ku tilmaamay dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo dimuqraadiyadi ka jirtay tan iyo sannadkii 1991kii.

 

Rubin, ayaa warbixin uu ku daabacay Warbaahinta Maraykanka kaga hadlay sida Dawladaha Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan la aqoonsani ay ula tacaalayaan Xannuunka COVID 19.

 

Wuxuu sheegay in , Donald Yamamoto uu kaalmooyinkii iyo deeqihii oo dhan u duway dawladda   Soomaaliya, taasi oo uga gol leeyahay inay ku qabsato deegaanno badan, hase ahaatee, wuxuu Khabiirku  hindisahaasi uu ku sifeeyey mid gebi ahaanba khaldan.

 

Michael Rubin wuxuu tilmaamay in Soomaaliya 16kii sannadood ee u dambeeyey ay kaalinta koowaad kaga jirtay dalalka guul-daraystay ee caalamka, taasina ay nusqaan ku tahay in la siiyo kaalmo xad dhaaf ah.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray in markii Soomaaliya laga helay Coronavirus ay caalamka ka yaboohsatay dhaqaale gaadhaya $240 Milyan oo doolar oo dheeraad ah, xilli uu Maayarka Muqdisho ku eedeeyey dawladaas inay buunbuuninayso xannuunkan.

 

Michael Rubin waxa uu Somaliland ku ammaanay inay $15 Milyan oo doolar ay cashuuraheeda uga jartay inay kaga hawlgasho xakameynta Xannuunka Coronavirus. Waxaanu ku dooday  inay Somaliland si wax ku ool ah kaga horreyso Soomaaliya dhinaca daahfurnaanta iyo Hantidhawrka.


Loading...
Loading...