War Deg Deg Ah:-Xukuumada Oo Xabsiga Ku Hubsatay Muwaadin Cabdi Maxamed Daahir(Cabdi Duco)
Hargeysa(HWN):-Xukuumada hogaamiye Muuse Biixi ayaa goor dhawayd xabsiga ku hubsatay Cabdi Maxamed Daahir(Cabdi Duco) oo ka mid dhalinyarada magaalada Hargeysa.

Warar Hadhwanaagnews soo gaadhay ayaa xaqiijiyey in goor dhawayd ay ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen muwaadinka Cabdi Duco oo ku sugan suuqa weyn ee Hargeysa gaar ahaana agagaarka baanka Dahabshiil, iyada oo ilaa hada aan la cadayn sababaha keenay xadhigiisa.
Cabdi Maxamed Daahir(Cabdi Duco) ayaa ka mid ah dhalinyarada somaliland ee inta badan baraha bulshada ku soo bandhigta dhaliilaha ka muuqda dawlada iyo qaabka loo toosin karo, isaga oo mararka qaarna ka dareen celiyo talaabooyinka ay dawladu qaado.
Ilaa hada ciidamada booliska somaliland wax faah faahin ah kamay soo saarin xadhiga Cabdi Duco iyada oo aan la ogayn goobta lagu xidhay.
Wixii Warar Ah Ee Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews


0 





