Si Miyir Qab Ah Covid-19 Iyo Masaajidka!!W/Q Maxamed Xaaji

0
Thursday April 16, 2020 - 20:53:42 in Articles by
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Si Miyir Qab Ah Covid-19 Iyo Masaajidka!!W/Q Maxamed Xaaji

    Si Miyir Qab Ah Covid-19 Iyo Masaajidka!!W/Q Maxamed Xaaji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si Miyir Qab Ah Covid-19 Iyo Masaajidka!!W/Q Maxamed Xaaji

 


Dood walba aynnu u la kacno dhanka maangalka (logic) – aan caqliyeyno tusaale walba, aan ka soo istaagno dood walba dhanka garashada innaga oo fahamkeenna ballaadhineyna, ka dib aan dul dhigno xis-naqdi ah (critical mind).

Image may contain: 1 person, closeup


Arrinta COVID-19 iyo masaajiddada aan si miyir-qab ah u ga faalloonno innaga oo aan silcineyn garashadeenna. Yeynaan isku xujayn si aynaan u maskax jabin eedo aan meesha ool oo ay ka mid yihiin diin ka fogayn iyo gaalaysiin.


Dooddayda aan ku bilaabo masaajidku muxuu kaga duwan yahay meherada la isugu imanayo? Basaska la raacayo? Goobaha shaqada ee adeegga la gu bixinayo waxna la gu kala iibsanayo? Miyuu ka faafin ogyahay cudurka? Mise si kale ayaa loo bartilmaameedsanayaa masjidka? Maxaa loo xidhay masaajiddada 47 waddan oo Muslim u badan iyo 112 dal oo adduunka kale ah oo Muslimiin badani ay ku nool yihiin? Su’aalahan aan si miyir-qab ah u ga jawaabno, aan adeegsanno garashadeenna aadaminimo.


Si aynnu u ga jawaabno su’aalahan is-barkan, marka hore aan soo qaadanno sababta keentay in la xidho masaajiddadaa tirada badan. Sababtu wax kale ma aha waa in cudur halis badani adduunka ka dillaacay. Cudur si daran u faafaya oo si aad u fududna la isku qaadsiin karo. Cudur isku dhawaanshiyaha ku fidaya, taabashada ku tarmaya, neefsashadana ku dillaacaya. Cudur faafkiisa uu sahlayo cidhiidhigu.


Inkasta oo cudurkan sidaas oo dhan la isku qaadsiin karo, haddana goobaha iyo dabeecadaha sida fudud loo gu kala qaadi karo ayaa u baahan in si taxaddar badan loo fiirsho. Waa halka kan halka ay jawaabaha su’aalaha kor ku xusan ay ka soo burqanayaan. Su’aasha ibo-furka u ah dooddeennu waa waayo masaajiddada? Jawaabtu waa in masaajiddadu ay goobaha kale ka cidhiidhi badan yihiin.


U fiirso, sida salaadda loo oogo oo keliya; safaf dhaadheer oo xidhiidhsan ayaa hal mar la galayaa, garbaha ayaa la iswada saarayaa, goobta la gu tukanayaana waa ay buux dhaafaysaa, naqaska ayaa la wada buuftaamayaa, kaarboonku waa uu isxidhayaa, hadhow ayaa la wada rukuucayaa, qof walba wixii xanuun jidhkiisa ku jiray ayuu roogagga iyo cawaha ku neefsanayaa, madax dhididsan iyo gacmo qoyan ayaa hal mar dhulka la la beegsanayaa.


Marka faralka la guto ayaa haddana sunne loo kala baxayaa. Halkaa intii Alle wax ku kala qaadsiiyey ku kala qaadde, in kale ayaa soo galaysa salaad kale, intii in le’eg ayaa la falayaa, sidii ayaa la isugu wada ag neefneefsanayaa, neefihii hore ee salaadaha hore ka hadhayna ogsajiin ahaan ayaa loo qaadanayaa. Afar iyo labaatankii saac shan goor ayaa sidaa la wada yeelayaa.


Marka ay sidaa thay COVID-19 isna dabeecaddiisu waa tan; waxa uu la socdaa dhibcaha iyo naqaska hawada ee dadka ka soo baxa afka iyo sanka. Marka uu daloolladaa soo dhaafo in ka mid ahi waxa ay heehaabaysaa hawada muddo 3 saacadood ku siman, in badan oo kalena waxa ay fadhiisaneysaa rooggaga iyo gidaaradda masaajiddada in ku siman saddex dharaarood.


Intaa waxa kala dhaxlaya dadkii salaadaha ku kala tukaday subax ilaa iyo cishe. In kale oo aad u badan na sarajoogga iyo fadhiga ayey isku waraabinayaan COVID-19. Waa sidaa sida uu masaajidku u ga khatarta badan yahay goobaha kale sirtuna waa cidhiidhiga iyo is-dugsashada. Goobaha ku soo xiga masaajidku waa basaska la wada raaco, maqaaxiyaha iyo marfashyada qaadka. Kuwaas na waxa ku soo xiga dugsiyada wax kale ga barto iyo goobaha shaqada.

Mohamed O. Hagi Mohamoud

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...