Suldaan Beesha Warsangali Ah Oo Hanjabaado U Soo Diray Beesha Garxajis

0
Thursday April 16, 2020 - 17:51:19 in News by
  • Visits: 5437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Beesha Warsangali Ah Oo Hanjabaado U Soo Diray Beesha Garxajis

    Suldaan Beesha Warsangali Ah Oo Hanjabaado U Soo Diray Beesha Garxajis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Beesha Warsangali Ah Oo Hanjabaado U Soo Diray Beesha Garxajis


Hargeysa(HWN):-Suldaan Axmed Bashiir Ducaale oo ka mid ah salaadiinta Sanaag Bari oo dorraad shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa eedo culus u soo jeediyay Maayarka Magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo uu ku eedeeyey in uu dagaal ka wado deegaammadii dhawaan beelaha walaalaha ahi isku fara saareen Deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag isaga oo sheegay in beeshiisu aanay wali dagaal u diyaar garoobin uguna dhammayn balse dhinaca kale sida uu hadalka u dhigay abaabul dagaal oo qabiilaysani ka dhaxeeyo, kuna baaqay in uu imika beeshiisa dagaal ku hogaamin doono maadaama buu yidhi uu beesha kale ka waayay nabad.

Suldaan Beesha Warsangali Ah Oo Hanjabaado U Soo Diray Beesha Garxajis


Suldaan Axmed Bashiir Ducaale oo ka mid ah salaadiinta Beesha Warsangali, gaar ahaan beesha ay colaaddu dhex martay iyaga iyo beesha kale ee ay deegaanka wada degaan, ayaa sheegay in ay soo daayeen saddex maxbuus oo ay hore u haysteen balse aanay aqbali doonin wax uu ku tilmaamay xaaladda oo sii soconaysa nabaddiina laga tallaabsaday sida uu hadalka u dhigay isaga oo dhinaca odayaasha beesha kale ee ay iska soo hor jeedaan ku eedeeyey in ay hoosta ka hurinayaan wixii marka horeba keenay coladda labadan beelood dhawrka jeer ku dhex martay deegaanka Shidan ee Gobolaasi Sanaag.


Suldaan Axmed Bashiir Ducaale oo warbaahinta kula hadlay Huteel ku yaalla Magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag waxa uu yidhi: "Waar Innagu waa is naqaannaa. Inteenna halkaa wada degtaa nin iyo nin baynu isu naqaannaa. Waxaad tidhaahdaan oo la og yahay Warsangali dagaalka kuma jiro. Puntland kuma jirto oo saamayn kuma leh. Annagu waxaannu ognahay oo dagaalkaasi ku jira Ciidagale oo aad Garxajis isugu timaaddaan. Waxa ku jira Muuse Cabdalle oo aad isugu timaaddaan Cabdalle Ismaaciil iyo Muuse Ismaaciil kala tihiin oo Go’da dega. Annaga laga heli maayo ku xataa Warsangali ga deriska nala ah. Waxaanu ognahay wax badan. Dagaalkasi annaga beeshaasi Garabsare oo kali ah ayaa wadda. Haddii aad dalbanaysaan in dagaalka la badiyo dee waabu iska ballaadhan beelaha kalena waabay maqli doonaan. Nabaddii aannu hormuudka ka ahayn ee aanu ka shaqaynay ee aannu Ceerigaabo Gaynay ee waliba markii Gobolka la isugu tagay aad idinku ku tinaadeen ee Ismaaciil Xaaji Nuur 30-ka sano nagu xukumayay, markaa nabadda aanu maanta Ismaaciil rabin oo diyaarka u ahayn dee markaa ma aniga ayuu iga sugayaa. Yuu ka filayaa ee raba markaa haddii aanu isagu rabin. Annaga dulqaadkii aannu samaynay intaasi ayay noogu eekayd. Nimankaa masaakiinta ah ee la qabtay iyaga waa la sii daynayaa”.


Ma jiro dhinaca kale odayaasha beesha uu Suldaan Axmed Bashiir Ducaale eeddaha u soo jeediyay oo arrintan ka hadlay balse qaar ka mid ah odayaasha Magaalada Ceerigaabo ayaa Suldaan Axmed Bashiir Ducaale ugu baaqay in uu raallli galin ka bixiyo colaadda uu ku baaqay iyo beelaha Ciidagale iyo Muuse Cabdalle ee uu magac dhabay oo ay sheegeen in aanay cidina dagaal kaga jirin cidina colaad reeraysan deegaankaasi ka wadin

Loading...
Loading...