Midnimooy Maxaad tahay? Qaybtii 2aad..W/Q Nuuradiin Diini

0
Thursday April 16, 2020 - 16:23:24 in Articles by
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midnimooy Maxaad tahay? Qaybtii 2aad..W/Q Nuuradiin Diini

    Midnimooy Maxaad tahay?..W/Q Nuuradiin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midnimooy Maxaad tahay?..W/Q Nuuradiin Diini


Midnimadii lagu khasaaray ee 1969gii ma jirto cid mahadisay marka la eego jawaabtii rasmiga ah ee ka soo baxday taasi oo keentay Dil, Dhac, Kufsi, Qax, iyo in laysku awood sheegto wax kasata oo umada maslaxadeeda ahayd si fudud bay ku baaba'een. Ilaa maantana fool xumada raadkeedii uu sii qoyan yahay.

Image may contain: 1 person, sitting


Labadii ku midoobay aragtida Somaliland 1960 waxa si kasta uga ayaan roon kuwa aan ka mid noqon ee Jabuuti kow ka tahay, waxa xaqiiqa in guud ahaan Soomaalida deegaamadoodu aanu gaadhin horumar la taaban karo oo qayrkood lagu dhererin karo haddana waa lays dhaamaa oo NFD, JABUUTI, SRS (Somali Region State). Ama Somali galbeed, waa kuwii lagu baxsaday bulshada inteeda badanina ay ku badbaadeen markii qaxa iyo qaxarku dhacay.


Wali koonfurta somaliya may saldhigan oo waxa ka jiro laba dhibaato oo waa weyn kuwaasi oo kala ah;


1) Dagaalka Alshabaab, kaasi oo sabab u ah in wax deganaansho ahi ka suura gali waayo koonfur. Ciidamo shisheeyo o ajaanib ahina ay sugaan amniga badi magaalooyinka Somaliya sida Muqdisho, Kismaayo Baydhabo, dhaqaale ahaana ilaa hada waxa ay ku tiirsan yihiin dalal shisheeye oo ka fushada Dano gaara, gacantana ku haya ilihii dhaqaale ee Reer Somaliya.


2) Dhibaatada labaadna waxa weeyi nidaamka ay qaateen ee federaalka kaasi oo ah mid ay adag tahay siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaan in uu ka suuro galo Somaliya waxaana laga sameeyay daraasado badan iyo cilmi baadhisyo dhamaantood sheegay in nidaamkaasi yahay mid khatara oo loo soo waariday. Waanay muuqataa bilowgiiba dhibaatooyinka uu keenay kuwaasi oo suuro gal ka dhigi kara in markale ay soo noqdaan Hoggaamiye kooxeedyadii.


Taas badelkeeda Somaliland waxa ka hano qaaday nidaam Dawladeed oo dhamaystiran kaasi oo ah mid Shacabka reer Somaliland dhisteen oo aan loo dhisin dhankasta oo laga eego Dawladnimada. Waxa hanaqaaday nidaamka Doorashooyinka, Saxaafada madax banaan, Dhisida Ciidamo qaran, Dajinta miisaaniyada, Baasaboorka, Lacagta, iyo Nidaamka Asxaabta badan. Somaliland waxa ka qabsoomay tiraba 3doorasho Madaxweyne, Doorasho Baarlaman, iyo 2Doorasho oo gole deegaan ah kuwaasi oo dhamaantood shacabku ku doorteen Qof iyo Codkii (one man one vote) kaasi oo ah nidaam doorasho oo cadaaladeed, halka ay wali Reer koonfurku ku jiraan habkii qabiilka iyo 4.5.


Sidaasi marka ay tahay waxa muuqata in labadii dhinac ee 1960gii midoobay ay dhex mareen wax kasta oo Sanku neefle dhaxmara oo jab iyo baababa lahaa sidaasi marka ay tahay sidee mardambe wax laysugu darsan karaa?

Maa laysu soo duceeyo.

qaybtii 2aad.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...