Casharka aynu ka faa'iidaysanayno COVID-19

0
Thursday April 16, 2020 - 10:04:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Casharka aynu ka faa'iidaysanayno COVID-19

    15 million oo dollar ayaa loo qoondeeyay in lagu maareeyo xannuunka COVID-19.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

15 million oo dollar ayaa loo qoondeeyay in lagu maareeyo xannuunka COVID-19.
Shan iyo tobankaasi, sida muuqaata, wali jeebka inooguma jiraan, waa yabooh la raadin doono, in la heli iyo in la waayi doonaana waa suuro gal. Marka dib loo eego dhaqankeena suuban ee ku aadan lexejeclada, tashiilida, iyo daah-furnaantana, u malayn maayo in cida aynu wax ka rabnaa xiise badan u qabto in ay inagu bakhtiyaa nasiibsato iyadoo laga dheregsan yahay halkaa xaal aduun maraayo.

 

Qodobka aan u socdaa waxa weeye, qorshaha ka hortaga iyo maaraynta xannuunkastaa kama baxsana nidaamka caafimaad ee dalka ka dhisan. Waxaad qorshe ka hortag oo xannuun gaar ah ku jihaysan dejin kartaa marka nidaam caafimaad oo aasaasi ah oo isku sanbannaani kuu dhisan yahay.

 

Hadiise meeshuba qalaalan tahay oo qolfoof guud mooyee, dhuux hooseba aanay lahayn sidee qorshe loogu samayn karaa xannuun kali ah, sida uu doono ha u khatar badnaadee. COVID-19 waxa uu u baahan tahay nidaam soo dhisnaa oo dad aad u badan baadhitaan degdeg ah loogu samayn karo (mass testing). waxa uu u baahan tahay nidaam is gaadhsiineen oo qofka dacalka ugu shisheeya ee dalka jooga xogtiisa lagu soo gaadhsiin karo gudida dhexe (effective communications system). Waxaad intaas ku dartaa xirfad la’yaasha Public health oo arintan kaalin laf-dhabar ah ku leh laakiin aan hada jirinba.

 

Waxa uu u baahan yahay xirfad iyo awood lagu karantiimeeyo dadka laga shakiyo, oo kii xannuunku ku cadaado si toos ah loogu gudbiyo cusbitaal qalabkii iyo shaqaalihii tababaraa joogaan oo lagu daweeyo. Waxa uu u baahan yahay in dhamaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore lagu tababaro qalabka cusub, sida mishiinada neefsiga, agabka shaybaadh-ka degdega ah, qalabka la isku ilaaliyo (PPE), iyo in dejiyo nidaamka kala saraynta shaqada oo isku xidha xubinta ugu hoosaysa silsilada ilaa mas’uulka ugu sareeya oo la hubo (reliable chain of command).

 

Intaasi waa inta xidhiidhka tooska ah la leh bukaanka, waxaase howsha qayb wayn ka ah dhinaca wacyi-gelinta iyo qancinta dadwaynaha; oo shaqadoodu tahay in ay xog sax ah oo joogto ah bixiyaan oo ay ka hortagaan buunbuuninta iyo macluumaadka beenta ah ee bulshada iyo dowlada kala shaki gelin karta, dedaalka lagu jirona kalsoonida ka qaadi karta. Nidaam caafimaad oo si casri ah u dhisan, oo hore loogu hagar baxay, oo seeskiisu adag yahay, haba itaal daraadee, ayuunbaa howl-gal degdeg ah lagu geli karaa oo caawimo shisheeyena loo doonan karaa. suuro gal ma’aha in aad tidhaa saqafka ayaan taagayaa iyadoo aanad seeskii dhidbin.

 

Ugu danbayn, maxaynu ka baran karnaa mashaqadan?

xaqiiqada aan la isdiidsiin karin waxa weeye xannuunkani wuu dhamaanayaa, inta umadeena sabab looga dhigayaana way tegaysaa; dardarta socotaana, inkastoo ay niyad wanaag iyo naf-hurid wayni jirto, hadana xiligii ay wax muuqda tarmin lahayd waa lasoo dhaafay.  Go’aanka lagama maarmaanka ah waa in aan runta usoo degno, oo xaqiiqada waajahno. dalkan iyo dadkani nidaam caafimaad oo dhab ah malaha. Igama aha dhaliil cid gaar ah ku jeeda, ama yasid aan yasayo guulo waawayn oo aynu gaadhnay; waxay tahay runta oo aynu is dareensiiyo iyo guubaabo ku aadan sidii aynu baahideena iyo baylahdeena u dabooli lahayn.

 

Fursad wayn ayaynu haysanaa; meel waxa laga sixikaro ayaynu joognaa. Waa in aynu taas fahano, ku qanacno, iska ilowno is diidsiinta, kana shaqayno sidii aynu u sixi lahayn. Caafimaadka dalka waa in maalna loo huraa, xoolo dirqi lama waayee, maskaxna intan degalka taala dhaantana loo raadshaa.

 

Marka COVID-19 ina dhaafo, wuu ina daafiye, waa in wadatashi qaran laga yeesho sidii dib loogu dhisilahaa nidaamka caafimaadka ee dalka oo mashruuc qaran looga dhigi lahaa.  Si aynu uga gaashaamano musiibada danbe ee COVID-19 ku xigta, waayo waa hubaal in COVID-19 noqonayn aafadii ugu danbaysay ee aduunka dabagediya. Hadii aynu halkeenii kasii wadno, oo waliba is hanbalyayno iskuna sii qancino in aan cidiba ina dhaamin, sidii caadada inoo ahayd, waxa hubaal ah in aynu sidaas uun isugu meeraysan doono markasta oo fal-wadareed lagu badbaado loo baahdo.

 

Dr-abdikarim D Hassan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...