Timacad – Inantii Tilmaannayd. W/Q: Abwaan Ahmed Aw Geeddi

0
Thursday April 16, 2020 - 09:27:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Timacad – Inantii Tilmaannayd. W/Q: Abwaan Ahmed Aw Geeddi

    Gabadha la odhan jirey Timacad waxay ahayd aftahamad tixaha tirintooda Eebbe ku manaystay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadha la odhan jirey Timacad waxay ahayd aftahamad tixaha tirintooda Eebbe ku manaystay,

waxaana laga reebay murti cuddoon iyo tixo madhaafaan ah. Waxa la weriyey inay isguursadeen nin macallin ah oo dugsiyada Hoose/Dhexe ee magaalada Hargeysa wax ka dhigi jirey. Timacad way xoogsi tagtay si ay reerkeeda dhaqaale ahaan u kabto, waxaanay alaabo yaryar ku iibin jirtey suuqa wadhatada ee ay dumarku fadhiistaan.

 

Daryeelka ninkeeda iyo xanaanayntiisa ayay xil weyn iska saartay. Dhar iyo dhuuni dhan walba way ka haqabtirtay. Aakhirkii wuxuu galay ninkii Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kulliyaddii Lafoole ee tababbarka macallimiinta, halkaa oo ay ku masruufi jirtey oo ay kaga war haysay.

 

Markii uu jaamacaddii ka soo baxay ee uu soo qaatay shahaadadii heerka koowaad (Degree), wuxuu noqday macallin dugsiyada sare wax ka dhiga, waxaanu ka hawl galay magaalada Hargeysa. Waxa loo qoray lacag dhan 1200 oo Shilin Soomaali ah oo markaa lacag fiican ahayd. Wadaadkii markuu gunno fiican helay wuxuu hilmaamay gurigiisii iyo gabadhii u joogtayba. Magaalada ayuu dhan ka galay, nuurigiisiina waa la waayay!

 

Timacad baadi-doon ayay u dhaqaaqday. Waxay yaboohiso oo ay hadba meel ka daydaba aakhirkii way heshay. Maxaase dhacay?!

 

Wuxuu ula dhaqmay sidii laba qof oo aan is aqoon oo aan weligood meel ku kulmin. Gar iyo garowshiiyo toonna ma siinin, calool-dabacna hadalkeedaba daa. Wuxuu indhaheeda oo shan ah u sheegay in aanu inta noloshiisa ka hadhay agteeda ka soo toosi doonin, ceesh danbana aanay wadaagi doonin!

 

Adduunyooy waayo badan! Iyada oo cagaha jiidaysa ayay halkii ka luuday, hase yeeshee kasheedu way ololaysaa sidii igadh geel oo maqaarkeedii wayday.

 

Waxay ka samri wayday saygeedii ay sannadaha badan la soo kifaaxday ee ay qayrkii dhaafisay oo sidaa fudud u illaabay, cidladana kaga dhaqaaqay, isaga oo uu la weynaaday mushaharka yar ee ay dawladdu siisay. Markaas bay tidhi beyd murti badan oo aan horteed cidi odhan:

 

• Garaadkaa indhaha lagaa galiyoo

• Waxa kugu gaaban garashada

 

Sow lama gudboona in ay samirto, oo sida uu uga maarmay ay iyaduna uga maaranto? Haa, sidaas bay go'aan ku gaadhaa oo ay ku seexataa. Haddana marka ay soo toosto tiiba ma aha, baadi-doonkiisa ayay kabaha u ilataa, oo magaaladaas ayay dhex qaaddaa, iyadoo qofka ay halacsataba isagii moodda. Maalin danbe ayay aragtay isaga oo meel fog sii socda oo niman dhawr ah dhexda ugu jira. Intay iska daba maqiiqday ayay gaadhay, markaas bay ku tidhi beydadkan layaabka leh:

 

• Naf ay meeli bugtaan maqnaanayn

• Mar labaad anigays maqiiqahayee

• Maxaad sheegtay lagama maarmaan?

 

Ninkii beydadkaa wuu ku soo loodsami waayey oo dheg jalaq uma siinin. Qoys-burburku waa dhibaato, arrintaasi Timacad niyadjab weyn bay ku keentay.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...