'' Codsi ku socda Madaxwaynaha ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Thursday April 16, 2020 - 09:18:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Codsi ku socda Madaxwaynaha ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Mudane madaxwayne , sidaad la socoto ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane madaxwayne , sidaad la socoto ,
Sal-dhiga booliska ee Hargaysa sidda magaciisaba ka muuqata waa Rugtii kutubta ee Magaaladda Hargaysa , taasoo ay dawladii Soomaaliya ugu tala-gashay in ay noqoto goob wax akhris iyo aqoon korodhsi oo magaaladdu ka faaidaysato .

 

Goobtii sidaa aad ahayd , waagii dawladii aad ahayd wasiirka arrimaha gudaha waatii lagga dhigay sal-dhig boolis waayihii markaa jirey awgeed , waagaa iyo maantana aduunyaddu siday isu badashay waad la socotaa .

 

Markay sidaa tahay , Mudane Madaxwaye geedigii horre ee goobtan laggu degey ee aad horseedka ka ahayd laguma khasaarin,maantana waxaanu kaa codsanaynaa in aad geediga labaad ee goobtan loogu celinayo asalkedii horre ee Rugta kutubta iyo aqoontana in aad horseed ka noqoto , oo meeshaas aqal qurxoon oo maskaxda da yarta aqoonteeda koriya aad ka dhigto .

 

Ciidanka Booliska oo laf-dhabar u ah nolosha isagana waxaan kaa codsan lahaa in aad saldhig boolis uga dhisto dhinaca galbeed ee dugsiggga sheekh cali cismaan ( Riis) ama dawladda hoose dhul uga baadh baadho ag-agaarkaa oo aan is leeyahay hadii lagga raadiyo dhul saldhiga booliska loo raro lagga waayi maayo hadii lagga raadiyo .

 

Codsi ka yimi , daneeye danta guud iyo horumarka .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...