Dhaqaalaheenan Liiteety, Eexashana U Dheertahay, Dhalinyartii Dhaqaaqeen.
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYA,
HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
DHAQAALAHEENAN LIITEEY,
EEXASHANA U DHEERTAHAY,
DHALINYARTII DHAQAAQOO,
DHANKA XAMAR NAFMOODO,
DHURWAA WAAXID BAW JIRA,
DHINACUU U CARARABA,
XAMARSE INAY U DHUNTAN,
DHADHAMABA DARAAN HAYN,
DHACA IYO TUUGO MMOYEE,
DHAWRSANANTU CEEBTAHAY,
DHIMASHADA BADWEYNTAA,
DHOFKA XAMAR KA ROONAYD,
DHAQANKA AYNU LEENAHAYE,
DHEG XUMAY KU TAHAY WEYN,
DHAGARNA WAY MALEEGEEYN,
QARANIMADEENA DHAAWACE,
DHIIG SOKEEYE KUWA QUBAY,
SIR U DHIIBAY CADAWGENA,
DHABARKAYGA TOOGTEEN,
XORNIMADAAN U DHIMANO,
DHEEFUUN BAY KA RAACEN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!