Maalintaasiba Maalin Baas Bay Ahayd Rag Baa U Funtaday. Q. 3aad.W/Q: Mujaahid Cali Guray

0
Thursday April 16, 2020 - 08:23:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalintaasiba Maalin Baas Bay Ahayd Rag Baa U Funtaday. Q. 3aad.W/Q: Mujaahid Cali Guray

    Markaan hawshaydii diyaarsaday xaalkayguna markaa lugna baqe ugu joog lugna dirir yahay ayaan xagii suuqa dhexe isaga kacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markaan hawshaydii diyaarsaday xaalkayguna markaa lugna baqe ugu joog lugna dirir yahay ayaan xagii suuqa dhexe isaga kacay.
Waxan la kulmay nin C.I.D-da ahaa oo had iyo goor marka ay wax jiraan kuwa nala soo xidhiidhi jiray ama aanu la xidhiidhi jirnay ee wararka sugan inta badan aanu ka heli jirnay ka mid ahaan jiray, oo aan ka waraystay xaaladda dhinaca kalei iyo sidii dareenkoodu ahaa markii Cabdillahi Askar xoog lagula baxay shalay fiidkii. Wuxu ii shaagay in nimanka sarkaalka la baxay ay ahaayeen koox SNM ah oo xadka ka soo gudbay iyagoo watay laba baabuur oo L/cruisero ah. Wuxu ii xaqiijiyay in nin laga dilay maydkiina ay ka tageen. Hadda warkiisu waa sidii madaxdda qaybta 26aad ay qabeen. Waxan waydiiyay oo miyaanay kaba daba tegin? Wuxu yidhi "waar nimanka waxa moodaysaan ka daba tag daaye xalay iyo saakadii hore oo dhan waxay isku haysteen labadii baabuur ee nimanku ay wateen mid ay ciladi ka gashay oo dhakhtarka hortiisa ay kaga tegeen intay hubkoodiina kala degeen. Saraakiishoodii waawaynayd waxay isku haysteen aniga ayaa wadanaya iyo wadan maysid ee aniga ayaa u baahane iska ilaw. Markaa sida uu ii sheegay baabuurka Lam 33933 ee aniga iga wareeriyay saaka karkabaddana i geliyay waxay iyagu u haysteen baabuur kooda SNM ay xadka kala soo talaabeen, wax baadhis ah oo ay sameeyeenna may jirin. Aniguna warkaa war aan ka jeclaa muu jirin oo horta markii ayay iga hadhay bacdii igu xidhnayd.

,

Hadaba baabuurkan 33933 sheekadiisu waxay dib inoogu celinaysaa sanad ka hor iyo markii dhalinyaradii UFFO ay ku xidhnaayeen Xabsiga Dhexe ee weli aan loo qaadin Labaatanjirow. Xabsiga maalintii gelinka hore waxa haystay Taliyaha Xabsiga, labada galabnimo marka uu ka baxo ayaanu anigu kala wareegi jirnay. Anaga marka aan leeyahay waxan u jeedaa UFFO labaatankii xidhnaa maahee kuwo kale oo intii ka badbaaday xadhiga markii UFFO la qabqabanayay ahaa. Markaa UFFO waxaanu odhan jirnay waa labaatanka gudaha iyo labaatanka debedda.

 

Sidii UFFO xabsiga loogu gudbiyay waxa jirtay in aanu ku socod badanay xabsiga, Beryihii hore bioqashado waxay noo ahayd maalin kasta iyo labada gelinba. Maalin kasta waxanu xabsiga ugu geyn jirnay oo joogto ahaa 80 mijood (labaatan marduuf) oo jaad ah iyo laba istiig (labaatan baakidh) oo sigaar oo ku filayd labaatankooda iyo askarta maalntaa gaadhka ah. Kharashka qayilaadda maalin kasta waxa bixin jiray qof gaar ah anaga ayaana masuul ka ahayn in aan laba qof maalin wada geyn. Maxaabiistii UFFO askarta jeelku waabay ku reeyeen oo xidhiidh dhaw oo aan la moodayn xidhiidh ka dhexeeya askari iyo maxbuus, angana iyo askartana xidhiidh kaa la mid ah ayaanu wada yeelanay, waxtarna runtii waanu u lahayn oo waanu u roonayn.,Beryihii dambe Taliyihii Xabsiga ayaa khaati naga joogaaday markii ay mulqmuluqaydii badatay gaar ahaan intii wejiyadoodu ay ku badatayna waabu la coloobay oo qaar uu xabsigaba ka mamnuucay inay soo galaan ayaa jiray. Oo yaa u joojinayay askartii uu caanaanta iyo ganaaxa kala daalay hadana way nala shaqayn uun, balse waxay nagu yidhaahdeen " waar inta uu joogo ha imanina eh labada iyo wixii ka dambeeya uun kaalaya, hadii ay soo booqanaysaan jaadkana meherad ka soo horjeeday ayay yidhaadeen halkaasuun idinku dhiga annaga ayaa ka qaadi doono eh.

 

Adigu waxba yaan araarta idinku sii dheerayn eh muddo markii uu sidaa xaalku ahaa markii dambe waxa na galay damac oo waxa nagu dhalatay fikrad. Waxanu aragnay oonu isku qancinay, runtiina suurogal ahayd haddii inta ugu yar ee waayoaragnimo ah aanu yeelan lahayn in labaatanka xidhanba si dhib yar oo fudud loogala bixi karo xabsiga. Marka aanu joogin Taliyuhu labaatankooduba iyagoo wada socda ayay mar keliya noogu iman jireen albaabka wayn ee dibadda oo dhinaca gudaha ah ama xafiiska iyo qolka booqashada oo labduba aanay ka fogayn irridda hore ee jeelka (eeg sawika) iyagoo weliba aan wax askar ah oo ilaalinaysay aanay la joogin kana ag dhawayn hal askari oo keliya oo isaguna dusha saaran mooyaane. Arinkaasina waanu ka wada soconay badhkayo iyo kuwa xidhnaa badhkood. Waxa ugu muhiimsanaa markaa ee hawlgalkaasi ku fuli karayay may badnayn manay adkayn sida aanu isku qancinay oo waxa ku filnaa laba baabuur oo Land Cruisero ah iyo toban mujaahid oo tabobar fiican leh. Markaa halgalka Miiska Mukatariga wuu ka fududaa ka Jeelka (eeg sawirka labaad waa labaatankii UFFO albaabkii waynaa ee jeelkuna dhawr talaabo oo keliya ayuu Koonfur ka xigaa, askar ilaalinaysaa lama joogto ee hal askari oo keliya oo isaguna dusha sare saaran ayaa jira.m)

 

La soco


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...