War Deg Deg:-Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xidhitaanka Masaajidada Iyo Qodobo Kale

0
Wednesday April 15, 2020 - 17:14:39 in News by
  • Visits: 2932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:-Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xidhitaanka Masaajidada Iyo Qodobo Kale

    War Deg Deg:-Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xidhitaanka Masaajidada Iyo Qodobo Kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg:-Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xidhitaanka Masaajidada Iyo Qodobo Kale


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa bulshada faah faahin ka siisay qodobo hore uga soo baxay guddida ka hortaga xanuunka coronavirus.

Image may contain: 1 person, standing


war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada diinta  iyo awqaafta somaliland kaas oo lagu faah faahiyey qodobo ay hore u soo saareen guddida ka hortaga xanuunka coronavirus kuwaas oo ku saabsanaa xidhitaanka masaajidada lagu tukado.


warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa u dhignaa sidan:-


Iyada oo laga duulayo, xaaladda caafimaad iyo faafidda fiyraska COVID-19, iyo sida uu u saameeyay guud ahaan caalamka, ayaa guddida heer Qaran ee u diyaargarowga iyo ka hor tagga xanuunka COVID-19, waxa ay soo saareen go’aammo iyo amarro khuseeya arrintan.


Qodobada go’aamadaasi oo soo baxay 13-April-2020, waxaa ka mid ahaa qodobka koowaad oo dhignaa ‘’’ Guddidu markey daristay qodobka 6-aad ee talo soo jeedinta ah ee culimadu ay soo saareen 4-tii Appril, kuna aaddanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan ‘’ In shareecadeenna suubban ay u bannaysay umadda in jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo lana xaqiijiyo daruuro adag sida; xanuunannada faafa IWM, Iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aaddan xanuunka COVID-19, Waxa ay guddidu bulshada Somaliland faraysaa in muddo 4-todobaad ah ay masaajidada ka maqnaadaan taas oo ka billaabmaysa 15-April-2020, ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda cudurka, waxaa mu’addiniinta masaajidda la farayaa in ay eedaanka salaadda ku daraan guryihiina ku tukada(Salluu fii rixaalikum).


Go’aankaasi ka dib, waxaa soo baxaya warar iyo dareen kala duwan oo ku aaddan fahanka qodobkaasi. Waxaa jira culimo Aw-diin ka dareen celiyay arrintaasi.


Haddaba, Waxa aa naanu rabnaa in aan dadweynaha reer Soomaaliland la wadaago qodobadan soo socda:-


1- In go’aankaasi ahaa mid ka soo baxay guddida heer qaran ee ka hor tagga COVID-19, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna guddidaasi ay xubin ka tahay.


2- In qodobkaasi 1-aad ee guddidu soo saartay, marnaba aan lagu xusin masaajiddada ha la xidho, laakiin dad weynaha lagu wargeliyay in ay guryahooda ku tukadaan, si looga badbaado faafidda cudurkaasi, diinteenna suubbanna ay bannaysay sida ay culimadu ku taliyeen.


3- Waxa ay Wasaaraddu aaminsantahay sida dhakhaatiirtuba caddeeyeen, in ay halis caafimaad tahay isu-imaanshiyaha bulsho ee ay masaajiddadu isugu imanayaan, maadaama la caddeeyey in xanuunkani ka hortag mooyaane aanu lahayn ka daba tag, si xawli ahna u faafayo. Waxa aynu ognahay siduu uu u dhibaateeyey una aafeeyey xanuunkani dalalkii dadkoodu ka baaqsaday in ay maqlaan talooyinka caafimaad ee la siiyey.


4- Waxa ay Wasaaraddu ugu baaqaysaa culimada in aanay ku deg deg deign in ay bulshada la wadaagaan warar aan la hubin.


5- Wasaaraddu, waxa ay u mahad celinaysaa guud ahaan culimada dalka sida ay mar kasta ula garab taaganyihiin wacyigelinta xanuunkan xanuunkan.


Image may contain: text

Allaa mahad leh.

Loading...
Loading...