Midnimooy maxaad tahay?...W/Q Nuuradiin Diini

0
Wednesday April 15, 2020 - 16:36:41 in Articles by
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midnimooy maxaad tahay?...W/Q Nuuradiin Diini

    Midnimooy maxaad tahay?...W/Q Nuuradiin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midnimooy maxaad tahay?...W/Q Nuuradiin Diini


Soomaalida koonfurta run kama ah midnimo Soomaaliyeed haddii ay cidi been ku noosha hay iyagaa been ku nool oo waliba masaariifsada. Waayo midowgii lixdankii waxa sabab u ahaa oo bilaa shuruuda ku keenay Reer waqooyiga oo doonaayay midnimo Soomaaliyeed wanay keeneen iyaga oo wax kasta dhaafaaday sidii loo dhisi lahaa Dawlad ay ku midoobaan Samaliland iyo Somaliyi.

Image may contain: 1 person, sitting


Caasimadii, calankii, masabyadii sare ee jamhuuriyadii Somaliya sida Madaxweynihii iyo Raysalwasaarihii, tirada baarlamanka oo aad u kala saraysay oo koonfurina ay 90xildhibaan lahayd waqooyina 33xildhibaan. Waxa ka sii darnayd Ciidamada, Agaasimayaasha iyo dhamaan wixii magac iyo manaafaco lahayd waxa qaatay gumaystihii talyaaniga! Waxaasi oo dhan Somaliland waxay ku doorsatay midnio Somaliyeed oo lagu hungoobay.


Dhamaan Dawladihiisoo maray Jamhuuriyadii Somaliya wixii ay mashaariic ay fuliyeen waxa ay ka fuliyeen Koonfur hadii ay tahay mashriicdii beeraha iyo kii warshadaha. Sidoo kale waxa waxbarashada iyo caafimaadku dhamaantood iyana waxa ay ahaayeen koonfur.


Waxaasi oo dham waxa kasii darani waxa ay ahayd markii 6dii degmo ee koonfurta laga dhigay 13gobol 6dii degmo ee waqooyigana lagadhigay shangobol taasi oo ayhayd cadaaladaro weyn oo dhanka gobolada iyo degmooyinkaa.


Ma jirto khiyaamo ama damac ka weyn kaasi oo umad loo gaysto, waxaasi oo dham markii ay xamileen shacabka reer Somaliland oo ay ka hadheen harumarkii dalka. Waxa lagu yidhi masheegi kartaan, ma xusi kartaan, xaqiina ma dhacsan kartaan, xataa ma soo qaadi kartaan, heer la gaadhsiiyay Soomaali qaldaan taasina waxa ay keentay in Jamhuuriyadii Soomaaliya burburto walina aanay soo kaban dhankasta oo laga eego.


Hadaba Su'aashu waxa ay tahay maxaa laysu sheegayaa maanta?

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...