War Deg Deg Ah:-Dawlada Itoobiya Oo Xidhay Xuduuda Ay La Wadaagto Somaliland

0
Wednesday April 15, 2020 - 16:24:24 in News by
  • Visits: 2981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Dawlada Itoobiya Oo Xidhay Xuduuda Ay La Wadaagto Somaliland

    War Deg Deg Ah:-Dawlada Itoobiya Oo Xidhay Xuduuda Ay La Wadaagto Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Dawlada Itoobiya Oo Xidhay Xuduuda Ay La Wadaagto Somaliland


Hargeysa(HWN):-Dawlada Itoobiya ayaa xidhatay xadka ay la wadaagto somaliland ee dhulka.

Image may contain: one or more people and outdoor


Sida ay sheegayaan warar laga helayo magaalada Wajaale, ciidamada amaanka ee dawlada Itoobiya ayaa xidhay xuduudka dhulka ee ay somaliland la wadaagaan, iyada oo ay ciidamadu hor istaageen in dadku ay u kala gudbaan xuduuda labada dal.


Dadweynaha ku nool magaalada Wajaale ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey talaabada ay dawlada Itoobiya ku xidhay xuduuda u dhaxaysa somaliland ka dib markii ay ciidamadu awood ku hor istaageen in shacabka labada dhinac isku talaabaan.


Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay ogolaadeen inay xuduuda ka talaabaan baabuurta sida jaadka iyo khudaarta ee ka imanaysa dhinaca Itoobiya, kuwaas oo u soo talaabay Somaliland.

Image may contain: one or more people, people walking, crowd and outdoor
Image may contain: one or more people and people on stage
Loading...
Loading...