Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Masaajidada La Xidho, Kuna Taliyay Qorshe Cusub

0
Wednesday April 15, 2020 - 13:35:44 in News by
  • Visits: 2059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Masaajidada La Xidho, Kuna Taliyay Qorshe Cusub

    Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Masaajidada La Xidho, Kuna Taliyay Qorshe Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Masaajidada La Xidho, Kuna Taliyay Qorshe Cusub


Hargeysa(HWN):-Muftiga weyn Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay inaanay jirin xaalad khatar ah oo sababaysa in masaajidada la xidho, waxaanu ku taliyay in laga dhigo ikhtiyaari qofkii doonaana uu masaajidka ku tukado kii doonaana gurigiisa.




Sheekh Dirir oo xalay salaadii Cishe ka dib hadal ka jeediyay masaajidka Adino ee uu tukiyo, wuxuu sheegay in dadku isweydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin sababta ay xukuumadu u xidhi weyday jaadka iyo diyaaradda Ethiopia ee ay ugu mashqulayso masaajidada.


Sheekh Maxamed, wuxuu sheegay in culimadii ay guddiga ka hortagga faafitaanka Covid19 sheegeen inay la tashadeen ay iyaguna shalay hadleen oo sheegeen in taladoodu ahayd in taladoodu ahayd marka ay xaaladu adkaato ee ay daruuri noqoto.


Sheekh Maxamed, oo soo xiganaya ugu horayn hadal uu shalay yidhi wasiirka warfaafintu, wuxuu yidhi "Wasiirka warfaafintu dadka waxaanu kula talinay ayuu yidhi guryahoda inay ku tukadaan, taasi waa sax, sidaas uu u fasiray hadday tahay sax weeye dadka waayeelka ah iyo dadka xanuunsanaya ee uu cudurkani khatarta ku yahay in la yidhaahdo iktiyaar ayaad u leedihiin ama la yidhaahdo yaan sidii jamaca loo adkaynin ee qofkii doonaana masaajidka haku tukado, kii doonaana gurigiisa.”


Sheekha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi "Tafsiir kalena wuu barbar socdaa oo dadku waxay aad noogu celcelinayaan laba meelood oo aad looga baqayo in bahalkaasi aad inooga soo galo labadiiba waa laga yara gabaday oo waa diyaaradda iyo qaadka, dayuuradiina dadbay keenaysaa, qaadkii oo juudaan, iyo baras iyo virus iyo waaliba sita isaguna wuu marayaa, dawladuna waxay tidhi kaas ma taataaban karayno, jamacayaga ha taataabanin ayay dadku leeyihiin, anaga waxa jaadka nooga xaasaasiasn jamaca, markaas haddii la leeyahauy jaadku waa xaasaasi jamacuna waa xaasaasi ayay dadku leeyihin.”


Sheekh Maxamed, wuxuu intaas ku daray "Masjidkuna ma sahlana arrintiisu, taariikhda islaamka marka dib loogu noqdo mararka qaar waxa dhacayay cuduro aad u khatar badan oo shan kun ilaa toban kun dhimanaysay maalntii, weligeed may dhicin in masaajid loo xidho ama xajka iyo cumarada la xidho, taariikhdu waxay leedahay buugaag lagu qoro, dadku way dhiman jireen waanay soo cumraysan jireen soona xaji jireen.”


Sheekh Dirir, wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday "Markaas inagoo ku mahadinayna guddiga iyo xukuumadda dedaalada waxay ku soo ururaysaa, Alle khatar inaguma keenee hadday khatar ka baqano iyo cudurkaasi inuu halkan ka faafi karo daniba way xidhi doontaa laakiin inta ka horaysa ikhtiyaar ha ahaado. Culimada 98% iyo dadweynaha arrinta ikhtiyaari halaga dhigo oo yaan qasab laga dhigin ayay qabaan oo qofkii doonaana gurigiisa haku tukado kii doonaan masaajidka.

Loading...
Loading...