Dawlada Muuse Biixi Oo Cadaysay Dad Shacab Ah Oo Ay Xabsiyada Ku Hubsatay Iyo Sababta Ay U Xidhay

0
Wednesday April 15, 2020 - 11:48:01 in News by
  • Visits: 2048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Muuse Biixi Oo Cadaysay Dad Shacab Ah Oo Ay Xabsiyada Ku Hubsatay Iyo Sababta Ay U Xidhay

    Dawlada Muuse Biixi Oo Cadaysay Dad Shacab Ah Oo Ay Xabsiyada Ku Hubsatay Iyo Sababta Ay U Xidhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Muuse Biixi Oo Cadaysay Dad Shacab Ah Oo Ay Xabsiyada Ku Hubsatay Iyo Sababta Ay U Xidhay


Hargeysa(HWN):-Guddida somaliland u qaabilsan ka hortaga xanuunka Coronavirus ayaa shaaciyey dad ay dacwad ka gudbiyeen oo xalayna qaarkood ay ciidamada amaanku soo xidheen.

Image may contain: flower and text


guddidan ayaa war ay ku baahiyeen barta aya ku leeyihiin Facebook waxa ay ku sheegeen inaya iyagu dacweeyeen laba qof oo ay ciidamada amaanku xidheen, waxaanu qoraalkoodu u dhignaa sidan:-


Waxa aanu Dacwad ka gudbinay shakhsiyaad dhawr ah oo Bulshada dhexdeeda ku faafiyay Warar been abuur ah (Fake news) oo ku saabsan xaaladaha Cudurka Coronaviruskaas oo aynu dhamaanteen si wadajir ah maanta ula dagaalamayno.


Waxa aanu caddaynaynaa;


1. Inaanu jirin Bukaan la xaqiijiyay in Cudurkani haleelay ama Muwaadin Karantiin ku jira oo baxsaday ama xogtiisa la waayay.


2. In Muuqaalka baraha Bulshada wareegaya ee loo turjumay inuu yahay Bukaan uu haleelay Cudurku oo Gaadiidka dadweynaha laga dejinayaa, uu yahay mid xaqiiqada ka fog isla markaana Muuqaalkaasi baraha Bulshada lagu arkay dabayaaqadii sannadkii hore oo ka horraysay intii xaaladda cudurkani soo gaadhay dalkeena iyo guud ahaan qaaradda Afrika.


Xilligan adag Warka been abuurka ah ee ku saabsan cudurkani wuxuu khatar gelin karaa Nolosha shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu abuuri karaa Jahawareer Bulsho kaas oo liddi ku ah Wacyigelinta iyo dedaalada ka hortagga ee Guddidu ku hawlantahay, sidaas darteed waxa aanu xil iska saari doonaa inaanu ka ilaalino in Bulshada lagu dhex faafiyo warar noocaas, sidoo kalena waxa aanu Booliiska iyo Hay'adaha garsoorka la kaashan doonaa sidii talaabo sharci ah looga qaadi lahaa ciddii ku kacda falal noocaas ah.


Waxaan uga Mahadcelinaynaa Booliiska, Xeer ilaalinta, Culimada, Ururada Bulshada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan ee ay noola shaqaynayaan Guddi ahaan, Waxaanan rajaynaynaa inaan dedaaladeena kor usii qaadno inaga oo isku duuban.

Loading...
Loading...