"Maaha In Ganacsatadu Sicirka Raashinka Ka Dhigaan Qaali Aanay Umaddu Qaadi Karin…" Siyaasi Axmed Faarax Cadarre

0
Wednesday April 15, 2020 - 10:03:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maaha In Ganacsatadu Sicirka Raashinka Ka Dhigaan Qaali Aanay Umaddu Qaadi Karin…" Siyaasi Axmed Faarax Cadarre

    "Xilka umadda waxaa ka masuul ah Xukuumadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xilka umadda waxaa ka masuul ah Xukuumadda"

Hargeysa (HWN) – Siyaasi Axmed Faarax Cadarre oo Xukuumaddii hore Axmed- Siillaanyo ka soo qabtay xilal Wasiirnimo, ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, walaaca laga qabo xanuunka Coronavirus iyo saamaynta uu ku yeelan karo nolosha Bulshada, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Ganacstada, Xukuumadda iyo Bulshada.

 

Siyaasi Axmed Faarax Cadarre oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Xanuunka coronavirus waa xanuun lagu kala qaadayo siyaabo badan oo fudud oo aan lagu kala qaadin xanuunada kale ee aynu hore u naqaanay, waxaana ka mid ah waxyaabaha lagu kala qadayo neefta, tabaashada iyo wixii la mid ah,  calamadihiisana waxaa ka mid ah qufaca, hindhisada iyo neefta oo qofka ku dhegta, ALLE ha inaga hayee, qofna yaanu xanuunkan qarsan, ee qof walba oo is dareemaa waxaa looga baahan yahay inuu la xidhiidho goobaha caafimaadka, si loo badbaadiyo”.

 

Mar uu Xukuumadda baaq u dirayey ayaa wuxuu yidhi "Xilka umadda waxaa ka masuul ah Xukuumadda, dabcan Xukuumadduna waajibkeeda ayay gudunaysaa in amarrada  iyo awaamiirta ay soo saarto in laga hor-yimaaddo maaha, ee waa in lagu dhaqma, oo wacyigelinta iyo talooyinka la qaato, maxaa yeelay Xukuumaddu waxay rabtaa inay Umaddu ku dedaasho nadaafadda iyo fayo-dhawrka”.

 

Mr. Cadarre wuxuu baaq u diray Ganacsatada "Bishii Shabcaan dhammaad bay ku dhawdahay, bishii barakada badnayd ee Ramadaana maalmo ayaa inaga xiga, ILLAAHAY ha ina gaadhsiiye, ee mar haddii uu jiro walaac fara badan oo ku waajahan coronavirus, umadduna ay ka baqayso in wixii daruuriyada ah qaali lagaga dhigo, Ganacsatadu sicirka raashinka iyo maceeshada maaha inay qaali iyo culays aanay umaddu qaadi karin ka dhigaan, ee ha u jabiyaan, oo bisha khayrka qabta ha ka faa’iidaystaan, ta kale cid kasta oo baahan waa in wax la tara, oo lagu sadaqada aad loo bixiyaa”


Loading...
Loading...