Tallabooyin Muhiim Ah Oo Ay Tahay Inaad Qaado Haddii Uu Kugu Dhaco Coronavirus

0
Wednesday April 15, 2020 - 09:37:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallabooyin Muhiim Ah Oo Ay Tahay Inaad Qaado Haddii Uu Kugu Dhaco Coronavirus

    Bahalkani 3 saacadood ayuu hawada ku jiraya hadduu ku gallay wuu ku gallay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahalkani 3 saacadood ayuu hawada ku jiraya hadduu ku gallay wuu ku gallay,
faraxal iyo wax ka qabanaya ma jirto.

Ilaahaybaynu leenahay, qof wallowba ilaahay isku xidh, dardaaran, geeridu waa xaq, dayn haddii lagugu lahaa iska bixi, ilaahayna ku xidhnaada.



Imika waxaa lala wareega gacmaha faraxalo, laakiin meel lagu sheego miyaad maqasheen hadduu kugu dhaco lacala, waxaad samayn lahayd.


Adigoo faraxalanaya,haddana isku diyaari inaad tallaabooyinkan qaado haddii uu kugu dhaco Coronavirus

1. Xumad jabiye (Paracetamol) door ah oo farabadan guriga soo dhigo, bahalku xumad aad gaadhayso heer aad miyir doorsoomayso (Hallucination) ayuu leeyahay, oo aad kala garan waayayso inaad hurudo iyo inaad soo jeedo.


2. Toon, Liin Dhanaan, basbaas kulul guriga soo dhigo


3. Haddaad hellayso nacnaca kulaylka leh ee loo yaqaano Triple Action Strepsils guriga soo dhigo, bahalku qufac badan oo qalalan oo aan damis iyo tiro lahayn ayuu leeyahay, dhuunta mar kasta, qoyaanka u badi


4. Vitamin C, Zinc, vitamin B6 iyo VITAMIN D bilaw sii isticmaasho si uu difaaca jidhkaagu u adkaado.


5. Badso biyaha kulul, iska diiri biyaha


6. Haddaad hellayso guriga soo dhigo Ultrasonic nebulizer oo ka caawinaya inuu laabta sifeeyo


7. Khudradda haddaad hellayso badso liin macaan, Mango iyo Apricot


8. Vaporub ama bahasha aynu u naqaano Vicks (Figiska) guriga soo dhigo, markasta mari laabta, dhuunta ilaa qanjidhada.


9. Haddaad balwad lahayd gaar ahaan sigaarka imikaba iska jooji. Bahalkani laabta ayuu raaxadda ka qaadaya ilaa aad dhiig tufto. Laabtaada nadiifi, oo laabtaada u koolkooli sida ilmaha yar loo kool kooliyo.


10. Caloosha dhaqaaji, bahalkani waa sun, isku day, inaad caloosha dhaqaajiso, si uu ku dhaafo, 7 cisho ka dib marku kugu dhaco, hadaanu kugu tuurinba.


Ilaahay tallo saaro, ilaahay ku xidhnow, haddii uu kugu dhaco nadaafaddaada toban jeer laaban laab kana fogow inaad dadka waayeelka ah gaar ahaan aad u dhawaato, iskuna diyaari geeri, carabkaagana bar tawxiidka.


Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...