Bandow xalay ka dhaqan galay qaar ka mid ah magaalooyinka maamul goboleedyada dalka

0
Wednesday April 15, 2020 - 09:34:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bandow xalay ka dhaqan galay qaar ka mid ah magaalooyinka maamul goboleedyada dalka

    Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu Wasiirka ugu baaqay inay dhaqan galiyaan amarrada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu Wasiirka ugu baaqay inay dhaqan galiyaan amarrada



Waxaa xalay uu Bandow si rasmi ah uga dhaqan galay Magaalooyin kamid ah dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Jubbaland,kaas oo looga hortagayo faafida Cudurka Coronavirus.

Wasiirka Amniga Hirshabeelle Xilibaan, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in laga bilaabo xalay Salaada Cisho wixii ka dambeeyay degaannada Hirshabeelle uu ka dhaqan galay Bandow socon doona illaa Salaadda Subax, kaas oo looga gol leeyahay ka hortaga Cudurka Covid19.


Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu Wasiirka ugu baaqay inay dhaqan galiyaan amarrada lagu soo rogay degaannada Hirshabeelle.

Dhinaca kale Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Bandow xilliyada habeenkii ah waxaa uu kusoo rogey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,kaas oo xalay dhaqan galey.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Koojaar) ayaa sheegay in Bandowga uu Kismaayo ka bilaawdey 7:00 Fiidnimo kuna egyahay 5:00 Subaxnimo,isaga oo Ciidamada ku amrey inay dhaqan geliyaan si looga hortago faafida Cudurka COVID19 oo kiisas kamid ah laga helay Kismaayo.

Bandowgaan lagu soo rogey degmooyin kamid ah Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Caawa 8:00 Fiidnimo ilaa 5:00 Subaxnimo la filayo in uu Bandow ka dhaqan galo Magaalada Muqdisho,kaas oo ay kusoo rogtey Dowladda Soomaaliya.
Loading...
Loading...