Is-Banbaanintaadu Waa Badbaadada Qoyskaaga Iyo Qaranka! W/Q Cumar Maxamed Faarax

0
Wednesday April 15, 2020 - 09:12:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-Banbaanintaadu Waa Badbaadada Qoyskaaga Iyo Qaranka! W/Q Cumar Maxamed Faarax

    Haddii uu mar joogay Wuhan-ta Shiinaha oo aad u haysatay Xannuun dadyowga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii uu mar joogay Wuhan-ta Shiinaha oo aad u haysatay Xannuun dadyowga

 aan muslimka aheyn oo kaliya ku dhaca. Haddii uu Talyaaniga yimid oo innagoo daaweynaya ay dadkii tartab-tarab u soo dhaceen. Haddii aynu u soo joognay Maraykankii awooda is-bidayey xal iyo maarre u waayey xannuunka ku laxaadsaday. Maanta gurigaagii ayuu dalkaagii ayuu soo gaadhay Fayraska Corona (COVID-19) innagoo ka hooseysa dalalkaas adeegyada caafimaadka iyo dhaqaalahaba.

 

Xannuunkani shan Bilood ayuu ku asiibay 1,926,235 qof oo daafaha caalamka ku kala nool, waxa u dhintay illaa imika 119.724 ruux. Waxase EEBE ka kiciyey 452,367 oo qof. Fayraska Corona wuxuu koobsaday dhammaan hababka ay ku fidaan xanuunnadii hore ee caalamka soo maray. Cudurkan dilaaga ah Ayaan loo helin dawo iyo tallaal lagula tacaalo midna, waxase dawadiisa kaliyi noqotay ka hortag iyo inaad ALLE la kaashato tilmaamaha iyo farriimaha mucayinka ah ee Hay’adda WHO ay dejisay in la adeegsado, taasi oo ay ugu horreyso ilaalinta nafaafadda guud, faro-xalka iyo in la isku jirsado masaafo laba mitir ah, in la mamnuuco salaanta gacan qaadka ah iyo goobaha dadka badani iskugu yimaado oo noqday marinka xannuunkani ku faafo.

 

Qaaradda Afrika wuu soo galay Coronavirus, iyadoo cabsi weyn laga qabo inuu xiddeysto oo uu uga faa’iidaysto wacyiga bulshada ee hooseeya iyo dhaqaalahooda oo liita.waxa la caddeeyey 15,300 oo kiis in laga helay Afrika. Waxaa u dhintay xannuunkaas 835 qof.

 

Dalalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Itoobiya ayuu iyagana hagardaamaynayaa xannuunkani. Waxa lagama maarmaan ah in Dhacdooyinkaasi aynu feejignaan iyo taxadar inoo kordhiyaan oo aynu qof iyo qoysba wax ka beddelno dhaqankeenii nololeed ee ku dhisnaa ‘Gacal isma Cidhiidhyo’ ee beri samaadkii xannuunkan ka hor. Waxa innala gudboon in qof kastaaba maanka ku hayo in cidda uu sadhaynayaa ay tahay ubadkiisa, walaaladii, xaaskiisa iyo inta uu jecel yahay oo dhan isla markaana uu bulshada sidaas ku sii gaadho fayraskan dilaaga ahi.

 

Nasiib wanaag, waxa Somaliland heshay laabka lagu shaybaadho xannuunkan oo laga baaqsan doono in dheecaannadii dadka laga qaado ee loo diri jiray dalka dibadiisa, waxaanu laabkani maalintii baadhi karaa afartan qof.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga helay fayraska Corona shan qof. Sidaas darteed, waxa Guddida heer qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID-19 ay soo saareen awaamiir kala duwan oo qayb ka ah qorshaha la doonayo in lagu xakameeyo fiditaanka xannuunkan, taasi oo u baahan in loo hoggaansamo tallaabooyinka ka fursan waagga ah. Waxaanay guddidu sheegtay in ciddii dhaqangelin wayda go’aamadaas ay mutaysan doonaan ganaax iyo xadhig.

 

Ugu dambeyn, muwaadin waxa la gaadhay xiligii aad dhab u waajihi laheyd inaad naftaada iyo qoyskaaga ka badbaadiso xannuunkan adigoo ALLE tallo saaranaya, Xukuumaddana waxa la gudboon inay meelmariso go’aamadan ay soo saartay si ilaaliyo badqabka bulshada.

W/Q Cumar Maxamed Faarax

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...