'' Caawa Aqoonsigii Baan Hayaa ''.

0
Wednesday April 15, 2020 - 09:08:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Caawa Aqoonsigii Baan Hayaa ''.

    Wadada Eerboodhka Hargaysa ilaa Idaacadda isku xidha ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadada Eerboodhka Hargaysa ilaa Idaacadda isku xidha ,
hadii la calaamadeeyo oo rinji la mariyo si haadadku u kala muuqdaan , wadada dhinacyadeena laggu taxo laydhka cadceeda ku shaqeeya , hareeraheedana laggu beero dhir qurxoon sidda dhamasta .

 

Dhinaca kalena wadada Haleeya ilaa Abaarso la calaamadeeyo , laydhka laggu taxo dhirtana laggu beero .

 

Hadii Sal-dhiga rugta kutubta lagga qaado ciidanka oo Madaxwaynuhu sidda Khayryadda oo kale ka dhiso rug-kutub iyo aqooneed oo dhawr dabaq ah .

 

Hadii dawladda hoose xashiishka magaaladda u samayso qorshe casri ah oo laggu qaadayo oo aan magaalada dhexdeeda wax qashin ah laggu arkin .

 

Hadii togga-wayn ee Maroodi-jeex lagga dhiso laba biriij oo isku xidha labada daamood iyo hal wado oo magaaladda ku wareegta afarteeda koone sidda wadada 150 oo la dhamaystiro .

 

Hadii Biyaha dooxa Hargaysa lagga xidho hal biyo xidheen oo magaaladdu ka cabto , beer dalxiis oo loo daawasho tagana laggu lamaaneeyo .

 

Hadii Hargaysi maalintii dhirtu hadhayso oo ay hamash wada noqoto , habeenkiina laydhku hadheeyo oo ay widh-widho waa la ina aqoonsanayaa , hadii la aqoonsan waayo inagoo intaa qabsanayna aqoonsi waxba ugama baahnin .

 

Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...