GEERI BAAS! / W/Q: Cabdisalaan Ceeryaamo

0
Wednesday April 15, 2020 - 08:56:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GEERI BAAS! / W/Q: Cabdisalaan Ceeryaamo

    GEERI BAAS! / W/Q: Cabdisalaan Ceeryaamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GEERI BAAS! / W/Q: Cabdisalaan Ceeryaamo


Ninkii tabar leh baa tallaabsada, ha yeeshee marbaa laysku turuq yahay. Waa markii cudurro aan la garanayn, oo hawada ku safrayaa ay dadka meel walba ka baadi goobaan. Aad baa ay u adagtahay in la hor-istaago cudur taabasho iyo is-taabasho la’aan ba lagu kala qaadayo. Waa wax aan suura-gal ahayn in laga daba tago cudur sidaas u halis badan, balse ka hortagga ayaa ka wanaagsan ka daba tagga. Adduunyada weligeed baa cudurradu waa ay ku dhaqsooollinayeen. 1918-dii billawgii dagaalkii koowaad ee reer galbeedka, waxaa dagaalka barbar socday cudur dilaa ah oo loogu magac daray INFLUENCE ama SPANISH FLUE. 50,000 oo qof ayuu wax-yeelleeyay, qaar kaloo badanna waa uu dilay.



1920 feyrus RABIES la yiraahdo ayaa dunida ka curtay, balse inta uusan dad badan dilin ayaa lala tacaalay. 1950-naadkii feyruskii DANGUE ayaa ka kacay Filibbiin iyo Teylaan, wax aan laga sheekayn karin ayuuna dhigay. 1967-dii Daanyeer laga soo dhoofiyay Yugaandha ayaa la geeyay laab ku yaal Jarmalka. Dhaqaatiirtii faraha kula jirtay ayaa malaha ka soo dhambashay sun. Si ay wax yeeleen garan maayee cudur dadkii aafeeyay ayaa ka dhashay, waxaana loogu magac daray MARBURG VIRUS. Dadkana si xun ayuu u dilay, dhiig bax iyo qandho kululna waa lagu xasuustaa. Suudaan iyo Kongo, 1976-dii waxaa ka dillaacay cudur kale oo askaaxay dadkii labadaa dal, waxaana cudurkaas loo aqoonsaday EBOLA. Mar kale, 2014-isla cudurkii ayaa madaxa dhulka ugu garaacay dowladaha galbeedka Afrika, waana la ogaa tii ka dhacday.

1980-kii soddon iyo laba malyan oo qof ayaa adduuka isaga huleeshay, in kalena bukaan socodbaa ay noqdeen, cudurkii sidaas wax yeelay waxaa loogu wan-qalay HIV-AIDS. Welina si wayn ayuu caalamka u gil-gilayaa. 1993-dii waxaa isna soo if-baxay Hanti-feyrus, laftiisu ma shar yarayn in kastoo faafitaankiisu koobnaa. ZIKA fayrus ayaa isna la arkay 2014-2015, isaguna doorkiisa ayuu ciyaaray. Waxaa jira qoys feyrus ah oo loo yaqaanno MERS Virus Family. Waxa ay u kala baxaan
 SARS COV
 SARS COV2

Kan hore ee aan tiradu la socon ayaa adduunka ku baahay 2002-dii. 26-waddan ayuu ku baahay. Siddeed kun oo qof ayuu waxyeello gaarsiiyay, 770 qofna wuu ka diray koonka laba sano gudohood. Desember 2019, waxaa tartiib-tartiib u soo shaac baxayay, kan danbe ee SARS COV2 oo sidoo kale loo yaqaanno CRONOVIRUS, kaa oo uu ka dhasho cudurka CONVID-19. Cudurkaan waxa uu dadka ku dilaya si xun. Adduunka sidii naag nin lacag kule ayuu kulleetiga uga gil-gilayaa. Halistiisana lama dheyalsan karo. Si kastaba ha ahaatee, CONVID-19, ma la beeray mise bahallo bini-aadamku cunay ayuu ka dhashay? Philip M. Girald oo ah sargaal hore oo ka tirsanaa CIA-da Maraykana ayaa maqaal ku qoray jariiradda GLOBAL RESEARCH—Waxa uu ka soo shaqeeyay, Turkiga, Spain, Afganistaan, 2001-dii iyo wadammo kale— Waxa uu ku doodayaa in feyrusku ka dhashay, kibilli ay cuneen dadka reer Wuhan ee Shiineyska ah. Waxa uuna tilmaamay in cudurku ka yimid suuqa lagu iibiyo hilibka Duur-joogta ee Wuhan. Dhanka kale, dhowr iyo labaatan dhaqtar oo Shiineys ah ayaa gaashaanka u daruuray wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ee lagu sheegayo in cudurku ka dhashay xayawaannada lagu iibiyo suuqa Wuhaan.

War-bixin lagu daabacay WORLD ECONOMIC FORUM ayaa sheegeysa in haayadda sirdoonka Maraykanka ee CIA-du ay bacrimisay Feyruskaan. Sidoo kale, waxa ay sheegtay in ay soo bannaan bixiyeen labada-U<< DOUBLE-U>> Uk iyo US, iyo quwado sheydaan oo qarsoon. Billawgii hore Maraykanku waxa ay iska dhig-dhigayeen bulsho iyo dowlad qura oo garanaya sida cudurka looga hor-tago, sida uu WASHINGTON POST ku qoray qoraaga la yiraahdo HENRY OLSEN. Waxa uu warbixintiisa cinwaan uga dhigay "MARAYKANKU WAXA UU HELI KARAA HUB QARSOON OO UU UGA HOR-TAGO CONVID-19” waxa uu hubkaas ku sheegayaa hab-nololeedka ( WAY OF LIVE) tusaale ahaan, waxuu leeyahay: Shiinaha halkii mayl isku-wareeg, waxaa ku nool 397 qof. Talyaaniga waxaa ku nool 532 qof. Koofur Kuuriya waxaa ku nool 1,366 qof. Bale Maraykanka waxaa ku nool buu leeyahay 94 qof oo kaliya, sidaa daraaddeed, bulshada reer Maraykan waxa ay la qabatimeen buu yiri kala-fogaanta bulshada ( SOCIAL-DISTANCE) sidaa daraaddeed, ayaanu cudurku noo saamayn karin ayuu ku dooday, balse wax walba waxa ay caddaadeen maalinkii cudurku soo ritay kun qof oo reer Maraykan ah.

ugu danbayn, adduunka waxaa ka jira dagaal nuuc walba leh, sida: Dagaal dhaqaale, dagaal siyaasadeed, dagaal diimeed, dagaal dhuleed, dagaal wax-barasho iyo dagaal baay’oolojiyeed( Biological war) 1943-dii ayaa maraykanku dhagax dhigay xaruntii barnaamijka baay’oolojiga (UNITED STATES BIOLOGICAL PROGRAM) taas oo markii danbe loo beddelay barnaamijka baay’oolojiga ee difaaca Maraykanka << UNITED STATES BIOLOGICAL DEFENCE PROGRAM>> waxaana sii hor-mariyay madaxwaynihii xilligaas FRANKLIN ROOSEVELT. Sidaas oo kale, muruqya wayntu waxa ay leeyihiin xurumo dagaal oo lagu bacrimiyo fayrusyada iyo sunta halista wax gummaadda. Dunida kuma dhicin cudur ilaahay iska soo diray, Ilaahayna sidaas dadka uma kadeedo. Markii hore rabbi muu abuureen hadduu sidaa u gelayo, balse tani waa dhibaato markeedii hore meel ku duugneed oo bini-aadamku soo fagayo. Intaa waxaa dheer dagaallo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo laysugu tafa-xeydanayo, iyo nimco meel taal oo layska yureysanayo, taasina waxa ay keentay GEERI BAAS oo dadka saf-mar iyo gaar-marba ku dabar-jartay.

Waan ogahay dhaqaale la’aan xun baa dalkeenna fara-saaraysa, dadka ayaa gaajo la tiicaya, qaarbaa dul-saarka isku nacaya, kuwo kale ayaa aan isu-dhimrinayn, oo is-haaraamaya, isna hiifaya; balse si aannay taasi u dhicin waxa aan dowlad goboleedyada, dowladda dhexe, xisbiyada, ganacsatada iyo guud ahaan ururrada jira mucaarad iyo muxaafidba ka codsanayaa bal in ay qasnadohooda dib ugu noqdaan oo bal markaan dadka garab iyo gaashaan ha loo noqdo. Shacabka Muqdisho, dowladdu waxa ay canshuur ahaan uga qaadday sannadkii dhowaa dhowr iyo afartan malyan oo dallar, dadkuna waa saddex malyan sidaa daraaddeed intii laga qaaday ugu yaraan ha lagu baxnaaniyo.

W/Q: Cabdisalaan Ceeryaamo
14 Apriil, 2020
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...