Waa Maxay Awoodaha Somaliland u Diiday inay Joojiso Jaadka Itoobiya oo Halistiisa laga Digay?

0
Wednesday April 15, 2020 - 03:14:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Awoodaha Somaliland u Diiday inay Joojiso Jaadka Itoobiya oo Halistiisa laga Digay?

    Waa Maxay Awoodaha Somaliland u Diiday inay Joojiso Jaadka Itoobiya oo Halistiisa laga Digay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Awoodaha Somaliland u Diiday inay Joojiso Jaadka Itoobiya oo Halistiisa laga Digay?


Hargeisa(HWN):-Xukuumadda Somaliland, ayaa Sheegtay inaanay Awood u lahayn Wakhtigan Joojinta Qaadka uga yimaadda Dalka Itoobiya oo aad looga dayriyey Saamaynta Caafimaad ee ka dhalan karta, iyada oo ogsoon oo qiraysa dhibaatooyinka uu dalka iyo dadka ku hayo Jaadku.


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Salaasadii Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey haddii ay u jeedaan ka hor-tag rasmi ah oo la xidhiidha Cudurka Covid-19, ayaa ku dooday inaanay wakhtigan awoodin joojinta Qaadka.
Somaliland: Wasiirka Warfaafinta Oo AWaamiir Faray Shaqaalaha ...

Awoodda aanay u lahayn wakhtigan inay Somaliland Jaadka Itoobiya uga yimaadda joojiso, ayuu Wasiir Koore ku macneeyey mid la xidhiidha Xadka dheer ee ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, tirada Ciidanka uu uga baahan yahay oo aanay heli karin xilligan xaaladda gudaha ka jirta ee xanuunka la xidhiidha darteed iyo qodobbo kale oo danaynta iyo doonista Qaadka ee Bulshadu qayb ka yihiin.

"Waxaannaan ka maquuran oo aannaan go'aan ka gaadhin annagoo og in Jaadku yahay aafo reer Soomaalilaand haysata, ma rabo inaan ka maquurto. Waxaynu nahay dad u baahan in aynu si sareecadda wax isugu sheegno, inaan idin siyaasaddeeyanna maaha. Waxaynu dalka Ethiopia la leennahay Xaduud ku dhaw 1,150KM oo furan oo gaadhiga yari dhinaca uu doonno ka soo geli karro, waxaannu qiimaynay waayo-aragnimaddii labadii jeer ee Jaadka la joojiyay 1983, 1984 iyo tii uu Ingiriisku joojiyay Kontomaadkii ayaannu qaadanay, waxaannu eegnay ragayaga meesha joogaa Jaadka markii la joojiyay Aniga (Wasiir Koorre) iyo Maxamed Kaahin inkastoo ay iga waynaayeen, haddana ragii Saraakiisha ahaa meesha joogay ayaannu ahayn" Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaalilaand.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Labaddayadduba guddida ayaannu ku wada jirnay. Jaadku waxa uu u baahan yahay Ciiddan si mutadacnimo ah u joojiya oo isku xil-qaama oo ummadda reer Soomaalilaand iska soo xusho gobol ilaa min tuullo. Ciiddanka Booliska iyo Gaadiidka aynu haysannaa ma gudaha ayaynu Xanuunka kula dagaalannaa mise Jaadka ayaynu ku joojinnaa? Xudduudu way dheer tahay, tani waa Xaqiiq aynu isku sheegayno. Ciiddanku waa qaybta ugu wayn marka aynu la dagaalamayno Xanuunka CORONAVIRUS, taanna waxaannu leenahay oo codsanaynaa waa in ay gobollada iyo degmooyinka iska qoraan ciddii wax nala qaban karta iyagoo iskood isku Xil-qaammaaya si mutadawacnimo ah, gaar ahaan dhalinyaradda reer Soomaalilaand, haddii dadkaasi ay na tusaan awood ku filan in aynu jaadka joojinno, dawladda Soomaalilaandna go'aan bay ka qaaddanaysaa." Ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Cali Koorre

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Soomaalilaand.

Loading...
Loading...