Faallo:-Midnimadda Soomaali-weyn Waxa ka horraysa Midnimadda Soomaalilaand!

0
Tuesday April 14, 2020 - 21:11:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Midnimadda Soomaali-weyn Waxa ka horraysa Midnimadda Soomaalilaand!

    Hargaysa(HWN):-Saddexdii toddobaad ee u dambeeyay waxaa soo baxaayay Dood salka ku haysa Wada-hadallada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Saddexdii toddobaad ee u dambeeyay waxaa soo baxaayay Dood salka ku haysa Wada-hadallada

Hargaysa(HWN):-Saddexdii toddobaad ee u dambeeyay waxaa soo baxaayay Dood salka ku haysa Wada-hadallada Hargeisa iyo Xamar, taasoo ay hormood u ahaayeen oo ay istaadheen Salaaddiin reer Somaliland oo ku tirraabaayay in dib loo furro wada-hadalladii Koonfur iyo Waqooyi u dhaxeeyay oo muddooyinkii danbe oo dhan hakad ku jirey, waxaannay Salaaddiintaasi ku dooddayaan inay xaq u leeyihiin hoggaaminta Masiirka ummadda reer Somaliland.




Doodda ku saabsan in dib loo furro Wada-hadalladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Soomaalilaand waa arrin ay si wayn ugu kala qaybsan tahay Ummadda reer Somaliland, waxaanna jira qaybo bulshadda ka mida oo aan la dhacsanayn rabitaanka guuxa wayn dhaliyay ee Wada-hadallada xilligan la istaadhay Soomaalilaand, iyaddoo ay dadka qaarna dusha u saarrayaan Kornaylka madaxa adag ee Soomaalilaand hoggaamiya wakhtigan, iyaggoo tuhunkaas la xidhiidhinnaaya inaanay Salaadiintu dhawaaqaas ku tirraabeen haddaanay kalsooni buuxda ka haysan Kornayl Biixiga Madaxtooyadda oo saddexda Suldaan ee mawqifkaas Midnimadda Soomaaliwayn ay laba ka mid ahi yihiin Suldaankiisii iyo Boqorkii beesha Habarjeclo oo ay isku jeegaantii Kursiga saartay ay isku yihiin, waxaanna la aaminsan yahay innuu aragtiddaas Salaaddiinta la qabo Kornayl Muuse Biixi, waayo haddii aannay siddaas ahayn Kornayl Biixi wuxuu qaaddi lahaa talaabooyin ka dhan ah Saddexda Suldaan ee caddaystay rabitaanka Soomaaliwayn iyo midnimo mar kale mid loo abuurro.



Waxa kale oo jira Madax-dhaqmeed aragtiddaas ka soo horjeedda, isla markaanna qaba inaanay suurto-gal ahayn Wada-haddalada Soomaalilaand iyo Soomaaliya. Salaadiintaasi waxay aaminsan yihiin intaan la gaadhin wada-hadalladaas, in marka hore laga horraysiiyo Soomaalilaand midnimaddeeda oo sida ay ku dooddayaan wax badan kala tirsanaysa, isla markaanna tabashooyinka jira la dhammeeyo oo la abuurro Soomaalilaand la wada leeyahay oo laga wada dhex muuqdo.



Inkastoo mawduucani yahay mid xasaasiya oo bulshadduna ku kala qaybsan tahay, haddana markaad aad u dhagaysato aarraahda bulshadda iyo doodda labadda dhinaca waxa kuu soo baxaysa in ummadda reer Soomaalilaand ay isku raacsan yihiin aragtidda ah in marka hore midnimada iyo wada-jirka Soomaalilaand meel looga soo wada jeesto, si loo helo Soomaalilaand la wada leeyahay oo aan cid gaara cunnaha kaga duubnayn ama aannay beello gaar ahi maroorsan taladdeedda iyo manfaceeddaba.


Dooddaha caynkan ahi waa kuwo muujinnaaya oo bannaanka u soo saarraaya daalka iyo niyad-jabka Shacabka Soomaalilaand, waxaanna sababteedda dusha loo saarrayaa Xukuumaddihii kala danbeeyay ee Xisbiga KULMIYE, oo ku guuldaraystay rajaddii iyo midnimaddii Ummadda Soomaalilaand ku naalloon jirtey berrisamaadkii inay sii waddaan, isla markaanna ay xoojiyaan Saaxiibaddii dublamaasiyiinta ahaa iyo dawladdihii xidhiidhadda wanaagsani innaga dhaxeeyay, kuwaasoo ay abuurreen Xukuumaddihii Alle ha u naxariistee Marxuum Cigaal iyo Madaxweyne Daahir Rayaale, iyaddoo uu si gaar ah ay Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi ugu fashilantay hoggaaminta siyaasad horu-socod leh iyo ka midho dhalinta qorshayaashii Soomaalilaand hiigsanaysay mudadaas dhawr iyo labaatanka sannadood ah.


Waxa kale oo jira in Xukuumadda uu hoggaamiyo Kornayl Muuse Biixi ay ku qanacday inuu ka guulaystay Madaxweynaha Soomaaliya ee Muqdisho fadhiya, kaasoo uu Kornayl Muuse Biixi uu labaddii Sanno ee la soo dhaafay uu Boqollaal jeer ka hadlay sida uu Soomaalilaand ugu dabo-taagan yahay iyo Colaadda uu ku hayo, halkii ay ahayd innuu la yimaaddo Barnaamij iyo Qorshayaal balaadhan oo uu ku dhaqaajiyo Siyaasadda iyo yoolka iyo hiigsiga ay Soomaalilaand leedahay, isla markaanna uu abuurro barnaamij siyaasiya oo dal iyo dibad-ba isku xidhan oo Soomaalilaand ku deeddafaynayso sheegasho kasta oo Kaga timaadda Koonfurta Soomaaliyaddii burburtay 1991-kii, ha-yeeshee markii uu tahli karri waayay waxa uu qaatay innuu halkii bil-ba uu Boqolaal jeer Warbaahinta u mariyo bulshadda dagaalka Xukuumadda Xamar ku hayso Soomaalilaand, haarraan, tawaawac iyo hanjabaad afka baarkiisa ah, waanna sababta uu u soo dhex marraayo qaar ka mida Madax-dhaqmeedka, balse Shacabka Soomaalilaand waa ogsoon yihiin faashilka siyaasaddeed ee Kornaylka dhulka jecel ee Madaxtooyadda Hargeisa fadhiya.



Si kastaba ha ahaatee, waxa hadda muuqata oo aan shaki ku jirin in dhawaaqyadda midnimo doonka ah ee Soomaalilaand ka istaadhmay ay wax wayn ka badali doonto Qorshayaashii hirgelinta Madax-bannaanida Soomaalilaand, iyaddoo ay Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo-na ay adduunyadda u sheegto maalinkasta inay Soomaalilaand tahay qayb ka mida Soomaaliya. Waxa kale jirta inaanay Xukuumadda Kornayl Biixi mar qudha la iman dood adag oo ay dunnida ugu sheegayso inaanay qayb ka ahayn Soomaaliya, isla markaanna aannay maanta Soomaalilaand haysan hal dal oo saaxiib la ah oo ku taageeri karra Qaddiyadda Madax-bannaanida iyo Ictiraafka ay adduunyadda ka doonnayaan.


Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Soomaalilaand

Loading...
Loading...