Islaamku Waa Xal, Taladii Madaxwaynuhu Waa Talo Saxaabi. W/Q: Khadar Jicsin Nuux

0
Tuesday April 14, 2020 - 16:54:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Islaamku Waa Xal, Taladii Madaxwaynuhu Waa Talo Saxaabi. W/Q: Khadar Jicsin Nuux

    Islaamku inuu xal u yahay dhammaan dhibaatooyinka hore u dhacay iyo kuwa dhicidoonaba cidii ogayd way ogtahay, cidda kalena maanta ogaatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Islaamku inuu xal u yahay dhammaan dhibaatooyinka hore u dhacay iyo kuwa dhicidoonaba cidii ogayd way ogtahay, cidda kalena maanta ogaatay.

Cudurka karoona ee dunida ka qarxay xalka qudha ee loo hayaa si la iskaga ilaaliyo loona joogiyo faafidiisa waa xal iyo dariiqooyin islaamku dhigay kuna taliyey, bal fiiri baaqyada, talooyinka iyo awaamiirta si siman caalamka looga bixinaayo si loo kaantaroolo karoona fayraskan faafaya waxad arkaysaa dhammaantood inay waafaqsan yihiin arrimo islaamka ka mid ah iyo habab uu hore ugu taliyey sida karantiinka oo ah in dhulka xannuun faafaya ku dhacay la galin lagana bixin, nadaafada oo iyana qofka muslinka noloshiisa iyo cibaadadiisa ka mid ah, iyo in laga fogaado qofka xanuun faafa qaba. Qodobadani waa kuwa caalamku maanta uu u isticmaalayo sidii loo joojin lahaa loona xakamayn lahaa xannuunkan faafaya ee karoona.



Saxaafadda reer galbeedku waxa ay wax ka qortay sida yaabka leh ee nabi maxamed (NNKH) oo aan waxna akhriyi jirin waxna qori jirin uu arimahan guusha leh ee kor xusan ugu taliyey, waxaana jira baaqyo iyo soo jeedin ah in laga caado dhigto hab nadaafadeedka islaamka sida faraxalka iyo istijada, iyada oo la ogyahay in maraykanka iyo yurub dadku aanay iska dhiqin saxarada iyo kaadida, suuliyadooduna aanay u samaysnayn in loo isticmaalo biyo qashinka la iskaga hagajiyo.


U-bixida miyiga

Dhamaadkii toddobaadkii hore wuxuu madaxwaynuhu ku taliyey in loo boxo miyiga si loo kala baaho loona kala fogaado, arrinkan waxa isna hore ugu taliyey Dr Mohamed Abdi Gaboose.


U bixida miyigu waa dariiqii uu ku joogsaday Daacuunkii CIMA-WAAS oo muslimiin badan ku laayey gobolka shaaam oo ah dhulka ay maanta dhacaan dalalka suuriya, lubnaan iyo falastiin. Daacuunkani waxa uu dhacay xilligii uu talada muslimiinta hayey cumar binu khadaab oo isla gobolkan booqday sanadkii 17 hijriga markii xannuunku bilowga ahaa kana noqday inta aanu galin gobolka markii tashi uu sameeyey, waxaana markii dambe la helay xadiis waafaqaya go,aanka cumar oo sheegaya in aan dhulka daacuunku ka jiro la galin lagana bixin.


Xannuunkani waxa uu dilay in ka badan labaatan Kun oo qof qaarkood waxa ay ahaayeen saxaabadii rasuulka (NNKH) kuwii ugu waawaynaa, waxaana ka mid ahaa Abu cubayda binu Jaraax, Mucaad binu Jabel, Suhayl binu camrin iyo haldoor kale. Markii abu cabayda oo ahaa madaxii reer shaam uu xanuunkan u geeriyooday waxaa xilka qabtay mucaad binu jabel oo isna u dhintay isla xanuunkan, markaas waxaa xilkii madaxtinimada reer shaam la wareegay saxaabihgii Camar binu Caas oo si dhakhso ah khudbad ugu jeediyey kuna yidhi ‘‘dadoow! Xanuunkani marka uu dhaco wuxuu u shidmaa (u huraa) sida dabka, ee kaga fogaada buuraha (Miyiga)’’ dabadeed wuu baxay, dadkiina way baxeen oo waxay ku kala fogaadeen kuna kala baaheen buuraha miyiga.


Micnaha khudbadiisu waxa ay ahayd dabku wuu shidmaa haddii xaabadu is agtaal, xannuunkanina muu faafi haddii dadku is agjoogaan ee waa in buuraha miyiga gabbaad laga dhigto. Markii ay dadkii sidaas sameeyeen ee ay qaateen taladii hogaamiyahooda ayuu xanuunkii istaagay oo allah ka kor qaaday.


Sidaa awgeed islaamku mushkilad kasta xal buu u hayaa, xanuunada faafana miigaa xal u ah, miiga hortiina illahay (cw) ayaan waydiisanaynaa in aanu xannuun ba inoo keenin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...