Ha Loo Hogaansanaado Guddida Covid-19 Soomaliland

0
Tuesday April 14, 2020 - 16:11:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha Loo Hogaansanaado Guddida Covid-19 Soomaliland

    ... Ilaa hada dalkaygii iyo dadkaygii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

... Ilaa hada dalkaygii iyo dadkaygii,
Waxay ku jiraan xaalad dowlad iyo shacab ba aad moodo ama aad dareemeyso in aaney cidna ka dhab aheyn ficiladda ku aadan ka hor tagida iyo xakameynta safmarka Covid-19.


Halkan Uk, Siiba London oo dadka ugu badan ay degan yihiin Soomaali ahan, Habeen walba waa geeri naxdin leh oo u badan dadkii waaweynaa ee qurbaha ku ilaashan jirey daryeelkooda caafimaad, Habeenka uu xanuunku ku siyaado ayaa ugu danbeysey qoyskiisa, ma booqan karno, ma arki karno mana ogaan karno siduu xaalkiisu yahey, hadii uu miir beel (coma) ku jiro wabay ka sii daran tahay oo in dhakhtarka uu yaalo siduu yahay kuu sheego mooyee ma maqleysid aabahaa ama hooyadaa codkeeda iyo aragtideeda, hadii uu geeriyoodana waaba xanuun kale oo hadii aad u tagtaan waad kooban tihiin, Aaskana shan qof wax ka badan kama qeyb galayaan.



Sidaas oo ay tahay, Dad badan baa waalidkood iyo eheloodii ku geeriyoodeen, dad badana dadkoodii baa hospitalka yaal oo aaney arki karin, Habeen iyo maalina ku jira laba werwer oo ah adna maad ka qaadey iyo waa sidee xaaladiisu.


Umadda Reer Soomaliland ha baraarugto, oo qof walba masuul ha isa saaro, Waxaynu ognahay oo xanuunkeeda leh in inta badan dadkeena waaweyn ee magaalooyinka ay badankoodu la noolyihiin xanuunadda sida macaanka iyo dhiig karka.


Dad badan oo Maanta Facebookga ama social media qoraalo in lagu qoslo ama been abuur ah ka sameynaya xanuunka Covid-19 waa suurogal in berri iyaga iyo waalidkoodaba uu Saameeyo, Maanta hadaanu nahey Qurbo joogta culeys xanuun badan baa na saarane hadaladiina ha noogu darina culeysla jira,.Fadlan qaata taladda xukuumadda iyo Guddida Covid-19.


Hadii ay jiraan dhaliilo shacabku qabaan guddida Covid-19 ama xukuumaddba, iyadoo aaney inaga aheyn ku xumeeya ha la gaadhsiiyo guddida sida ugu  togan ee macquulka ah, Hana laga feejignaado faafinta wararka aan sal iyo raadka toona aheyn.
 

Fadlan Hadii Aanad Aheyn Bahda caafimaadka ama aanad sii gudbineynin talo bahda caafimaadka aad ka heshey, iska Aamus sidaas baa kuu kheyr badane.



Fuaad Abdisallam
Uk
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...