Siyaasi Ma Nin Suudh xidhaa?

0
Tuesday April 14, 2020 - 16:06:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 918
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ma Nin Suudh xidhaa?

    Salaanta Islaamka ee qaaliga ah marka aad akhriste guddoontid kaddib,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaanta Islaamka ee qaaliga ah marka aad akhriste guddoontid kaddib,
waxa beryahan dhegaheenna ku batay; siyaasi hebel, siyaasiyiinta reer hebel, siyaasiyiinta soomaaliyeed iyo ereyo la mid ah!

Haddaba ma isweydiisey, su'aasha ah; siyaasigu waa kuma?


 Ma ninka suudh xidhaa? Ma ninka xadhiga uu xidho aan cid kale furi karin baa? Ma aqoonyahankaa? Ma khaayinka xatooyada xoolaha dadweynaha ku xariifka ah baa? Ma ninka aragti hoggaamineed iyo ildheer leh baa? Ma ka madaxweyne xil u magacaa baa? Ma ka culuumta siyaasadda bartay baa?...

Haddii aynnu qeexidda siyaasiga dadweynaha u bandhigno, shaki ma laha nin waliba meel ku dhufanayo oo uu dhinac iska taagayo.

Siyaasi ma nin suudh xidhaa?
Ma ninkii dadku daba socdaa?
Ma ninkii santiyada hayaa?
Ma ninkii surin adag maraa?
Ma ninkii saadaal leh baa?
Ma ninkii dadku saanyadaa?
Ma ninkii ummaddaba siraa?
Ma ninkii saqajaan ah baa?
Ma ninkii oday soo suntaa?

Haddii aynnu is nidhaahno siyaasiga sida soomaalidu inta badan u taqaanno u qeexa, waxaynnu u soo ururin karnaa sida tan:

  • Siyaasigeenu waa qofkii uu madaxweyne ama wasiirka kowaad (ra'iisul wasaare) u magacaabo xil qaran oo ka sarreeya agaasimaha guud ama mareeyaha guud. Xilkaasi oo markaasi noqonaya, wasiir- ku- xigeen iyo wixii ka sarreeya.

  • Qaybse bulshada ka mid ah ayaa u haysata, in siyaasigu yahay; nin dabin ka bood ah oon aan sirihii iyo salkii aan midna gaadhin - inta uu xilka hayana wax xaabsada!!

  • Qaar kale oo inaga mid ah, ayaa siyaasiga u haysta; in uu yahay nin muddo ku soo jirey hawlaha dawladda oo waayo'arag ah.

Isku soo wada duuboo, waa innoo qaybta dambe ee qormadeena iyo qeexidda dhabta ah ee siyaasiga.


Cabdullaahi Maxamed Cumar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...