Amay ku Darartaa Siideynta Somaliland!!....W/Q Maxamed Xasan

0
Monday April 13, 2020 - 20:49:19 in Articles by
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Amay ku Darartaa Siideynta Somaliland!!....W/Q Maxamed Xasan

    Amay ku Darartaa Siideynta Somaliland!!....W/Q Maxamed Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amay ku Darartaa Siideynta Somaliland!!....W/Q Maxamed Xasan


Jarmalku, markii uu ku jabay dagaalweynihii labaad, laba dal ayaa uu u qeybsamay: Jarmalka Galbeed & Jamalka Bari.

Image may contain: 1 person


Konrad Adenauer oo markaa loo doortay jaansillarkii Jarmalka Galbeed waxaa u muuqatay in maalin un Jarmalku midoobi doono laakiin maanta aanay suuragal aheyn in uu ku indho-adeygo dagaal uu ogyahay inuu mar labaad ku jabi doono. Muran la’aan iyo isjiid-jiid la’aan ayaa uu oggolaaday in Jarmalka Bari dal madax bannaan noqdaan. Awooddiisii hoggaamineed iyo fogaan-araggiisii ayaa uu muddo yar Jarmalkii Galbeed saaxada adduunyada ku soo celiyay.


Dhaqaalihii waddankiisa ayaa uu dhisay, aqoontii iyo waxsoosaarkii dalkiisa ayaa figtaa tagay. Aqbaliddii in Jamarlka Bari waddan gooniya noqdo horumar mooyee dib-udhac umaanay keenin. Siideynta waa intaa oo ay noogu darartaa e bal mar maynu Somaliland siideynno.


Dhallinyarada da’aaddeyda ah ee labada dhinac ba; waa Soomaaliya iyo Somaliland e dawlad shaqaynaysa oo dalka wada maamusha maanay arag. Qaabkan ay maanta wax yihiinna haddii lagu sii socdo jiilka nagu xigaahi sidayada oo kale ayaa ay mustaqbal seegayaan. Dawladda Federaalka ah, dalkoo dhan iska daa e xataa Muqdisho ammaankeeda ma sugi karto, gobollada koonfurta oo dhan na Alshabaab baa awood muuqata ku leh.


Khaladaad badan oo laga hortegi karay ama haddii maamul-wanaag la la imaan lahaa la sixi karay ayaa sidaas oo kale Somaliland ka jiray welina ka jira; laakiin calal aqal waa meel wax un ka socdaan xagga maamulka, shaqaynta hay’adaha dawliga ah iyo dhammaan u muuqashada sida dawlad loo ahaan karo. Musuq iyo iskudhexyaacsanaan dawladeed baa ka muuqda haddana doorashooyinku waa dhacaan ugu dambaynna ninkii soo baxa waa loo hambalyeeyaa; yaan la wada jeclaan ama lagu wada farxin haddii la doono e.


Dawladda Federaalka ah maanta inay xoog iyo waqti soo-dumidda Somaliland ku dhumiso aniga ahaan ma qabo walow aan khaldanaan karo. Awoodda dhaqaale, midda aqooneed iyo midda amni ee ay ka jiifto ayaan qabaa inay waqti geliso. Tayada in la xoojiyo ayaan qabaa inay tahay horumarka aadanuhu tiigsado, dhererka iyo weynida dhul ahaan e waddan leeyahay wax qiimo ah malaha. Singaabuur, Qadar, Luksemburug iyo waddamo kale oo badan baa marqaatiga nool ah.


Sabab muuqata oo maanta Somaliland looga sii daba-laalaado uu ii muuqata ma jirto aanan ka aheyn cabbirka dhulka oo cadadkiisii soo yaraanayo; waayo haddaba go’aannadooda iyagaa qaata, lacag gooni ah ayay isticmaalaan, inta awoodda leh ama haysatana sidaa ayay ku qanacsan yihiin. War bal colka mar waraf ha lagu dayo waa intaas oo ay noogu darartaa e.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...