Dabayl Weyne Geedkii, Guurtidan Lagu Abuuriyo, Lama Mahadingolehii, Suldaanadu Gudoonsheen
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYA,
HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-DABAYL WEYNE GEEDKII,GUURTIDAN LAGU ABUURIYO,
LAMA MAHADIN GOLEHII,SULDAANADU GUDOONSHEEN,
GEYIGANOO DHIB WEYN QABA,GUUDKA INAGA SAAREN,
DUULKU WAA GURAANGURE,GARAN WAAYE KABA DEGA.
2-GEFKOODANA WAKIILADA,GAAR AHAAN AYNU EEGNEE,
IYAGUBA GU’A DHAAFOO,GADAAL NOOGU DHIGADIYO,
GAABIS WAY WADAAGAAN,GARSE WAXAY U LEEYIIN,
MEESHA AAN KA GUUREE,DOORASHOOYIN SOO GALA.
3-GOOSHKAN HAYNA DHAAFEN,HADDII GUULE NAGU SIMO,
GUURTIDU HAW HORAYSOO,GABANYUU KA SOO NOQON,
GOLE DEGAAN KOLEY TAHAY,GOBOLKA SAAXIL MOOYAN,
GIDIGOOD INTAA KALE,GELIYA BUUG MADOOWUUN.
4-GUUR WAA LA SAHANSHA,GAARIBAA LA DOONA,
GOLENA WAXA LA GEEYAA,GEESIGII WADANIYEE,
GARASHIYO AQOONBA LEH,GEYGAW NAXAAYEE,
GUUNYO URURSIGEDIYO,GURI SOO DHISAW IMAN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!