Somaliland Oo Shaacisay Tirada Dadka Uu Ku Dhici Karo Xanuunka Covid-19 Iyo Xadiga Lacag Ay U Baahan Tahay

0
Monday April 13, 2020 - 17:38:36 in News by
  • Visits: 3233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Shaacisay Tirada Dadka Uu Ku Dhici Karo Xanuunka Covid-19 Iyo Xadiga Lacag Ay U Baahan Tahay

    Somaliland Oo Shaacisay Tirada Dadka Uu Ku Dhici Karo Xanuunka Covid-19 Iyo Xadiga Lacag Ay U Baahan Tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Shaacisay Tirada Dadka Uu Ku Dhici Karo Xanuunka Covid-19 Iyo Xadiga Lacag Ay U Baahan Tahay


Hargeysa(HWN):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay qorshe qaran oo loogu magac daray "Qorshaha Heer Qaran ee U Diyaar Garawga iyo Ka Jawaabista Covid 19” oo loogu talo galay in qaranku ku shaqeeyo muddoda u dhaxaysa Bishan April illaa Diisambar 2020.

Coronavirus pandemic: Experts say Somalia risk greater than China ...


Qorshahan oo odoroska miisaaniyadda loo qoondeeyey ku kacayso lacag ka badan 15 Milyan oo Doollarka Maraykanka ayay Wasaaraddu ku sheegtay in ay Miisaaniyaddaasi ku bixi doonto 9 Tiir oo aasaas u ah qorshahan kuwaasi oo ay xustay in ay noqon karaan kuwo mar walba ku tiirsan hadba xaaladda iyo wadciga xanuunkani ka noqdo dalka iyo hadba sida ay arrimuhu isu baddalaan.


Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxa ay Bulshooyinka Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Daneeyayaasha Caafimaadka iyo Xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay qaadhaankoodaku daraan sidii loo fulin lahaa qorshahan.


Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxa ay qorshahan ku salaysay in uu noqdo qaab u muunad eg hannaankii waddanka Shiinuhu u maareeyey la tacaalidda cudurkan dunida faraha baas ku haya iyada oo dhinaca kalena sheegtay in qorshahani ku salaysan yahay qiyaas ahaan dadka la fili karo in uu Somaliland ka haleelo oo ay ku qiyaastay 6,800 oo qod oo uu ku dhici karo cudurka COVID 19 oo u baahnaan doona Cisbitaallo, daryeello caafimaad iyo adeegyo kaleba.


9-ka Arrimood ee Wasaaraddu qorshahan ku sheegtay in ay ku bixi doonto lacagtan ayaa ah sidan:


Isuduwidda heer qaran, qorshaynta & hawlgallada – $2,010,000


Isgaadhsiinta ka jawaabista Halisaha iyo diyaarinta/Abaabulidda Bulshada- $1,330,000


Ilaalinta, Kooxaha Jawaab Degdega ah Bixin Doona & Kiiska Baadhitaan – $900,000


Goobaha Laga Soo Galo- $1,225,000


Shaybaadhka Qaranka Ee Tayada Leh Iyo Helitaanka Ogaanshaha Waqtiga Adeegyada – $700,000


Maareynta kiiska- $3,790,000


La socodka iyo ka hor tagga infakshanka – $1,600,000


Loojistikada iyo Maaraynta saadka – $2,900,000


Taageero nafsiyeed – $750,000


Wadarta Guud ee Miisaaniyadda – $15,205,000


Si kastaba ha ahaatee, Inkasta oo Wasaarada Caafimaadka Somaliland soo ban dhigtay odoroska qorshaha qaran eek a hor tagga iyo ka jawaabista Xanuunka COVID 19 haddana waxa ay dad badani is waydiinayaan halka lacagta intaa le’egi ka iman doonto, cidda maamuli doonta ee hannaan hufan oo ka madhan musuq ugu hawl gali doonta iyo waliba qaabka shaxaysan ee ay ku salaysay baahiyaha kor xusani sida ay u yihiin kuwo la jaan qaadi kara xaaladda iyo curfiga dhaqan dhaqaale ee dalka.

Loading...
Loading...