Hay'adda Horizon Oo Ka Dayrisay Qaabka Loo Fuliyey Cafiskii Maxaabiista Iyo Jeelashii Oo Wali Buuxa

0
Monday April 13, 2020 - 16:52:54 in News by
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Horizon Oo Ka Dayrisay Qaabka Loo Fuliyey Cafiskii Maxaabiista Iyo Jeelashii Oo Wali Buuxa

    Hay'adda Horizon Oo Ka Dayrisay Qaabka Loo Fuliyey Cafiskii Maxaabiista Iyo Jeelashii Oo Wali Buuxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Horizon Oo Ka Dayrisay Qaabka Loo Fuliyey Cafiskii Maxaabiista Iyo Jeelashii Oo Wali Buuxa


Hargeysa(HWN H):- Hay’adda Horizon Institute oo ka shaqaysa sidii loo horumarin lahaa sarreynta sharciga ayaa ka dayrisay qaabka loo fuliyey cafiskii hogaamiye Muuse Biixi u fidiyey maxaabista tiradoodu ahayd 574.


Hay’adda orizon Institute ayaa war uu soo saaray waxa uu ku faah faahiyey qaabka loo fuliyey cafiska maxaabiista, waxaana warbixinta si gaar ah loogu xusay in maxaabiis badan oo xaq u lahaa in la cafiyo ay wali ku sii jiraan xabsiyada dalka.




Warbixinta Hay’adda Horizon Institute oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignayd sidan:-


Caabuqan coronavirus ee dilaaga ah sida xawliga ahna u faafaya, qofkasta oo adduunka korkiisa ku nool waxa laga filayaa in uu la yimaado dedaal ha noqoto mid shakhsi ah iyo mid wadareedba. Hoggaamiyaasha adduunka, heer kasta oo ay yihiin waxaa ku socda imtixaan ayna hore u soomarin abid. Waqtigan waxa is baddalay duruufihii caadiga ahaa ee lagu shaqayn jiray. Dadka mindida daab keeda haya ee ay saarantahay masuuliyadda illaalinta dadka tabaalaysani waa in si aan gabbasho lahayn, dib-u-dhaclahayn, islamarkaana xooggooda oo dhangeliyaan sidaa ay u illaalin lahaayeen dadkaas.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuu aqbalay codsigaa ka dib markii uu 1 April 2020 cafis u fidiyey 574 maxaabiis ah, isaga oo gaashaan u noqday dadka ku xidhan xabsiyada Somaliland, saraakiisha ciiddanka asluubtu waxa ay daryeelaan maxaabiista, iyobulshada ku hareeraysan. 31-kii March 2020 ka dib markii lagu dhawaaqay in kiisaskii ugu horreeyey ee COVID-19 laga helay Somaliland, coronavirus khatartiisu waa mid aan ka imanayn dibadda oo kaliya, tallaabadanina waxay timid waqtigii ku munaasibka ahaa.


Nasiib darro, cafiskani muu gaadhin saameyntii la rabay ee ahayd in la yareeyo cidhiidhiga ka jira xabsiyada. Xabsiyada iyo saldhigyada booliskuba waxa ay sii hayaan tiro badan oo dad ah. Dadka xabsiyada ku jiraa waxa qolkiiba lagula xidhaa tobanaan kale oo dad ah iyaga oo ay aad ugu yartahay agabka nadaafadda iyo fayo-dhawrku sida saabbuunta. Way adag tahay duruuftaas awgeed in la raaco hannaanka kala fogeynta dadka iyo fayo-dhawrka suubban. Haddii coronavirus uu soo galo xabsiyada, si degdeg ah ayuu u fidi karaa. Hay’adda Horizon waxa ay baahinaysaa warbixintan si ay hoosta uga xarriiqdo xaqiiqada aan indhaha laga qarsan Karin ee ah in loo baahanyahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah, kuwaas oo u baahan in hadda lagu tallaab sado.


Sida uu dhigayo Xeerka Somaliland, codsiga cafiska waxa soo gudbiya Xeer-ilaaliyaha Guud, in kasta oo go’aanka kama danbaysta ah uu qaato Madaxweynuhu. Waxa dhaqan soo jireen ahaa in Madaxweynuhu cafis u fidiyo maxaabiista dhammaadka Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Xanuunkan COVID-19 ayaa daruuri ka dhigaya in la soo hormariyo waqtigii uu madaxweynu fidin jiray cafiska sannadlaha ah.


Warqad uu soosaaray Xeer-ilaaliyaha Guud 25-kii March 2020 kuna socotay Taliska ciidanka Asluubta waxa uu tilmaamo cad ku siiyey cidda mudan cafiska madaxweynaha duruuftan aan caadiga ahayn ee uu sababay COVID-19. Warqaddu waxa ay xusaysay in maxaabiista ku xukuman danbiyada heerkoodu hooseeyo ( oo ay ka reebbanyihiin dilka, isku-day dil, dhaawacweyn, danbiyada ka dhanka ah qaranka, kufsiga, ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo danbiyada kale ee culus) ay ku jiri karaan, shardiga ku xidhanina yahay in ay dhammaysteen kala badh xukunkoodii. Sidoo kale maxaabiista dhammaystay mudadii xukunka balse xabsiga ugu siijira Xuquuq-madani ah in lagu dari karo haddii lacagta lagu leeyahay ka yartahay$10,000. Warqaddu waxa ay xaq u siinaysaa in dhibaneyaashii lacagtaa lahaa in ay dacwaddooda ay magdhawga ku helayaan ka sii wadan karaan maxkamadaha madaniga ah.


Iyada oo la tixgelinayo duruufta adag ee soo waajahaysa xabsiyada, Horizon uma aragto cudurdaar in lagu sii adkaysto in maxaabiista ku eedaysan danbiyada fudud lagu sii hayo xabsiyada iyada oo sabab looga dhigayo in ayna dhammaysan kala badh mudadii xukunkooda. Siyaasaddani tiro badan oo maxaabiis ah ayay ku sii haynaysaa xabsiga, oo ay ku jiraan carruur. Xabsiga Boorama, koox dhallinyaro lix ka kooban oo lagu helay isku-day dhaawaciyo boob kamay faa’iidaysan fursaddan sababtoo ah hal bil ayaa uga hadhsanaa kala badhkii mudadii ay ku xukunaayeen oo lix billood ahayd.


Qodobka ah in maxaabiista loo haysto Xuquuqda-madaniga ahi ayna ka faa’iidaysanayn fursaddan illaa ay dhammaystirtaan mudadii xukunkoodu waa mid fahankeedu adag yahay.


Sidoo kale habka fullinta cafiska waxaa ka taaggan cabashooyinaan la dhayalsan karin.


Maxbuus kasta oo dhammaystay xukunkiisa/xukunkeeda oo lagu leeyahay in ka yar $10,000 dhab ahaantii lama siideyn. Horizon waxa ay ka war haysaa tiro maxaabiis ah kuwaas oo ka faa’iidaysan lahaa cafiska, oo qoyskooda loo sheegay in la siin deynayo, oo illaa hadda ku jira xabsigii. Waxaa kamid ah laba dhallinyaro ah, mid kamid ahi yahay ciyaalka darbi-jiifka, oo lagu helay in uu jabiyey muraayad-haadka gaadhi. Qoysaskoodu ma awoodaan in ay iska bixiyaan $195 dollar ee magdhawga la siinayo dhibanaha.


Aabbaha dhalay mid ka mid ah labada wiil ayaa sheegay in uuna lacagtaa bixin Karin maadaama uuna shaqo haysan.


Xabsiga Boorama, ma jiro maxbuus loo haysto Xuquuq-madani ah oo la cafiyey, oo uu ku jiro nin lagu helay danbiga xatooyo kaasoo in ka badan halsanno muddo-dhaaf ugu xidhnaa isaga oo lagu leeyahay in ka badan $8,000 oo mag-dhaw ah. Burco, wiil dhallinyaro ah oo dhammaystay August 2019 mudadii xukunkiisa oo loo haystay xatooyo laguna leeyahay $1,603 waa laga saaray liiska dadka cafiska loo fidinayo sabab la’aan.


Xabsiga Gabiley, guud ahaan 58 maxaabiis ah ayaa la amray in la cafiyo. Xabsiga waxaa intaa kadib amar lagu siiyey in ayna siideyn 3 ka mid ah maxaabiistii maadaama lagu leeyahay Xuquuq-madani ah.


Haddii ujeedada ka danbaysa cafiska 574 maxaabiista ah uu ahaa in la dhimo tirade maxaabiista, weli may suurtoobin arrintaasi. Dadka xukuman ee ku jira saldhigyada booliska, sababta loo geeyayna ahayd in meel looga waayey xabsiyadu, laguma darin cafiskan. Hadda waxa loo wareejiyey xabsiyada, iyaga oo lagu buuxinayo qolalkii kuwii hore laga siidaayey. Illaa 1-dii April 2020, xabsiyada Hargeysi waxa ay qaabileen ku dhawaad 250 maxaabiis oo cusub oo laga keenay saldhigyada booliska. Xabsiga Mandheera oo 250 ka mid ah lagu siidaayey cafisku, waxa uu qaabilay ku dhawaad 200 maxaabiis cusub ah, oo ay ku jiraan 129 laga soo wareejiyey Xabsiga Hargeysa, saldhigyada booliska Hargeysa iyo degmooyinka Gobolka Saaxil. Intooda badan waa carruur. Xabsiga Boorama 15 kaliya ayaa la cafiyey halka ay ka qaabileen ku dhawaad 50 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan ku wadaad 20 gar sugeyaal ahi. Xabsiga Gabiley waxa uu qaabiley 15 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan 3 haween ah oo laga soo wareejiyey saldhigga Daloodho ee Hargeysa. Haweenkani way dhammaysteen muddadii xukunkooda balse waxa ay xabsiga ugu sii jiraan iyaga oo iska bixin kari waayey Xuquuq-madani ah oo ka badan $25,000.


Duruuftaas way ka simanyihiin xabsiyada Somaliland. Dadkii cafiska lagu sii daayey waxa lagu baddelay dad kale oo laga soo wareejiyey saldhigyada booliska. Ama dad cusub oo la soo xidhay oo sugaya in dacwaddooda la dhegaysto. Xabsiga Burco waxa uu qaabiley 12 maxaabiis cusub ah oo sugaya in dacwaddooda la dhegaysto illaa 1-da April.


In kasta oo ay dedaal weyn muujiyeen saraakiisha xabsiyadu ay u xaqiijiyaan in dhammaan dadka uu cafisku koobsanayo la siidaayo, balse isla xaaladdii hore oo kale ayaa soo waajahaysa. Xabsiyadii cidhiidhigii kamay bixin, cabsidii COVID-19 weli way taaggan tahay. Dadka qadhaadhka dhadhamin doonaa waa maxaabiista iyo hawlwadeenada xabsiga haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin. In kasta oo boqolaal maxaabiistii xukunnaa ee ku jiray saldhigyada booliska loo wareejiyey xabsiyada, qaar cusub ayaa la soo xidhaa oo lagu hayaa saldhigyada booliska.


Laga soo billaabo waqtigii cafiska 1-dii April, waxana soo gaadhay tiro kiisas cusub oo u baahan kaalmo sharci oo ku xidhan saldhigyada booliska Hargeysa. Tusaale ahaan, waxaaan hadda kaalmo u fidinaynaa lix dhallinyaro ah oo lagu hayo Saldhigga Koodbuur oo lagu soo eedeeyey in ay bulshada dhexdeeda ku dagaalameen ku waa soo boolisku sooqabteen 4-tii April. Saldhigga Macallin Haaruun, la taliyaasha sharcigayagu waxa ay ka shaqaynayaan kiis shan dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 16 iyo 18 jir kuwaa soo la soo xidhay laguna eedeeyey in ay bulshada dhexdeeda ku dagaalameen 6-dii iyo 7- dii April. Waxaaan shakiku jirin in ay daruuritahay in xadhigdhaco inta ay socoto aafada coronavirus. Balse waa in saraakiisha booliiska la siiyaatilmaamo ah in ay yareeyaan xadhiga, gaar ahaan carruurta iyo kooxa kale ee daryeelka gaarka ah u baahan. Arrintani waa muhiim gaarahaan inta lagu gudajiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan qaar badan oo garsooreyaasha ah ayaa qaata fasax taas oo sababta in ay is dhimaan dacwadihii la dhagaysanlahaa. Arrintanoo ka dhigan in ay maxaabiistu ku xannibnaadaan saldhigyada booliska iyaga oo sugaya dhegaysiga dacwaddooda illaabisha June. Arrintani waa mid aad u khatar badan inta ay jirto aafada COVID-19.


COVID-19 maaha khataraan la arkayn "oo ka dhacaysameel kale kuna dhacaysa dad kale”. Waa halis ka jirta Somaliland. Ma joogno xilligii aynu meesha adag ka istaagi lahayn danbiyada. Waa xilligii aynu meesha adag ka istaagilahayn COVID-19. Waa xilligii aynu isku naxariisan lahayn islamarkaana tallaabo adag ka qaadan lahayn sidii loo yarayn lahaa tirade maxaabiista ku xidhan xabsiyada iyo saldhigyada booliska. Waxa aanu ugu baaqaynaa Madaxweyne Biixi in uu soo saaro wareegto kale oo cafis ah anaga oo ka codsanayna in uu cafiskaa kudaro maxaabiista ku xidhan xabsiyada iyo saldhigyada booliska labadaba. Maxaabiista xukuman ee aan geysan danbiyada culus waa in lagu daraa ama ha dhammaysteen kala badh mudadii xukunkooda ama yayna dhammaysane. Dhammaandadka loo hayo Xuquuqda-madani ah oo ka yar$10,000 waa in lagudaraa ha dhamaysteen mudadii xukunkooda ama yayna dhammaysane. Kuwa aadka u tabaalaysan–carruurta xabsiga kujirta, dadka waaweyn, haweenka, dadka la taagta darran xanuunada dhimirka iyo maxaabiista xanuunada kale la il-daran–waa in mudnaanta la siiyaa. Hannaanka maxaabiista lagu siideynayana waa in dib-u-eegis lagu sameeyaa si kuwa cusub ee la soo xidhayana ayna u buuxin goobihii ay ka baxeen kuwii hore. Horizon sidoo kale waxa ay soojeedinaysaa in hawl-wadeenada xabsiyada, iyo ciidamada asluubta laga latashadaa liiska ugu danbeeya ee dadka uu Xeer-ilaaliyaha Guud u gudbinayo Madaxweynaha. 


Tallaabada ay Somaliland haddaqaadaysaa waa mid qaabeyndoonta mustaqbalka.


Hay’adda Horizon waxa ay ku bogaadinaysaa Madaxweyne Biixi tallaabada uu illaahadda qaaday waxayna ugu baaqaysaa in uu siiwado dedaakiisa uu ku illaalinayo kuweena tabaalaysan–maxaabiista xabsiyada kujirta iyo kuwa saldhigyada lagu hayo– kagana badbaadiyo xanuunka coronavirus.


Hay’adda Horizon waxa aanu samaynaynaa dedaalkasta oo aanu ku caawin karno sidii loo yarayn lahaa tirade dadka ku xidhan saldhigyada booliska iyo xabsiyada. Waxa aanu samaynay layman bilaa lacag ah oo aad ku helikartaan adeegga kaalmada sharci (063 6282434/ 063 6282435/ 063 6282436/ 063 6282437/ 063 6282438/ 063 6282439) si aanu u caawino dadka qaraabadoodu xidhanyihiin.


Hay’adda Horizon oo ka shaqaysa sidii loo horumarin lahaa sarreynta sharciga iyo xuquuqal insaanka. Wixii macluumaad dheeraad ah ee aad u baahan tahay, waxa aad nagala soo xidhiidhi kataa email-ka [email protected]. Si aad wax badan uga ogaatid hawsha aanu qabano, fadlan booqo degalka internet-ka aanu ku leenahay ee www.thehorizoninstitute.org nagala soco Twitter @Horizon_SL iyo Facebook.


@HorizonInstituteSomaliland.

Loading...
Loading...