Suldaan Xasana Sul Cabdilaahi Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Kornayl Muuse Biixi

0
Monday April 13, 2020 - 16:23:24 in News by
  • Visits: 5032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Xasana Sul Cabdilaahi Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Kornayl Muuse Biixi

    Suldaan Xasana Sul Cabdilaahi Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Kornayl Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Xasana Sul Cabdilaahi Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Kornayl Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxaman ayaa ka jawaabay hanjabaad dhawaan uga timid Dhinaca Madaweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi taasi oo uu Madaxweynuhu ugu baaqay inay Salaadiintu ku ekaadaan Arimaha Dhaqan oo keli ah ee aanay soo dhex galin Arimaha siyaasadda, gaar ahaan Wadahadalada Somaliland Iyo Soomaaliya.

Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Ku Dhawaaqay War Faxad Galiyay ...


Wariye Badri Koosaar oo Shalay Waraysi gaar ah la yeeshay Suldaanka ayaa ugu horayn wax ka waydiiyay sababta ay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya u doonayaan inay qayb ka noqdaan, Waxaanu Suldaanku ugu jawaabay sidan "Arintaasi baylah noo muuqatay uunbay ahayd, baylah lawada leeyahay, maadaama oo aanu hogaamiyayaashii bulshada nahay oo umadda mujtamaca ah arintooda daneeyayaasha koowaad ka nahay oo aanu jamhuuriyadda Somaliland Daneeyayaasha koowaad ka nahay, baylah noo muuqatay uunbay ahayd, si fiican oo waadix ayuun baanu uga hadlay”.


Su’aal mar kale uu ka waydiiyay halka uu ku dambeeyay Xidhiidhkii Madaxweyhaha u dhexeeyay iyo wararka suuqa lagu hadal hayo ee ku saabsan inaanay isku wanaagsanayn Madaxweynaha ayaa waxa uu ku jawaabay sidan" Fule xantii ma mooga ayaa la yidhi, arintaas iyadda ah, waxaan leeyahay, waxba yaanu Xeerkay imarin, xoolenna isiin eh, Xaashe eh nin libin kaa xisdiyay Xumihii waa yaabe!!!, Anagu Hadh iyo habeenba waxaanu u taaganahay oo aanu u shaqaynaa Mujtamacayagaas reer Somaliland, oo aanu karaamo iyo sharaf ku leenahay, oo aanu u adeegnaa, Heegan buuxana u nahay 24-saacadoodba, inaanu danahooda iyo danahooda ka turjunno, markaas ninka leh dhabarka ayaa la taabtay, arintaasi waa been aan sal iyo raadtoonna lahayn”.


Sidoo kale waxa uu yidhi "Madaxweynuhu waa madaxweynihii Qaranka, Waanan ahay Suldankiisii, waxaan wanaag iyo tixgalin ahayn oo Aniga iyo Madaxweynaha na dhex yaalaanna majirto, waananu ku garab taaganahay inaanu hawlaha umadda la wadno, wixii doorkayaga ah, hadalka Madaxweynaha ee ah Madax dhaqameedku haku ekaado, shaqadayadu way badan tahay, waananu soo dhawaynaynaa, waa hadal Madaxweyneheenii yidhoo, haduu noo hanjabayna Madaxwenuhu, waa Subag Xeedho ku daatay, waxaanu doonaynaa uun inuu shaqeeyo Madaxweynuhu”.

Loading...
Loading...